XIL ka qaadis lagu sammeeyay mas’uul ka tirsanaa DFS (Magaciisa iyo xilkiisa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in xil ka qaadis lagu sameeyay Qunsulkii Somalia u fadhiyay Magaalada Kampala ee Xarumta Dalka Kenya.

Qunsulka xilka laga qaaday oo lagu magacaabo Cabdiwali Cali Xaashi ayaa waxa uu xilkaasi haayay dhowrkii Bilood ee lasoo dhaafay, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Diblumaasi ka tirsanaa Waasarada Arimaha Dibadda.

Xil ka qaadista Qunsulka ayaa waxa ay daba soctaa Qorsho ay Dowlada Federaalka Somalia ku dooneyso inay xilalka uga qaado Wakiilada Dowlada u jooga Dalka dibadiisa, iyadoona ay boosaskaasi u magacaabi doonto Mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale, Qunsulka iminka xilka laga qaaday ayaa la sheegayaa inuu Khibrad fog u lahaa xilkaasi, isagoona horay usoo noqday Wakiilka Wasaradda Arrimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD, hayeeshee aan la garaneynin sababta ka dambeysay in xilka laga qaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com