Xog: Ujeedada wafdi ka socda xeryaha qoxootiga Kenya oo Kismaayo jooga

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maalintii shanaad ku sugan guddi isku dhaf ah oo ka kooban 19 xubnood kuwaasoo ka socda xeryaha qoxootiga dhadhaab ee dalka Kenya.

Guddigan ayaa magaalada u jooga siddii ay u idha indheen lahaayen goobaha la dajinaayo qoxootiga ku nool xeryaha seddaxda ah ee Dhadhaaab, Ifo iyo Dhagaxleey.

Xabiibo Cabdiraxmaan Mursal, waa afhayeenka guddigan waxay BBC-da u sheegtay in guddigooda uu ka socdo madaxda xeryaha qoxootiga dalka Kenya, waxaana ay sheegtay in u jeedkooda uu yahay siddii ay uu eegi lahaayeen goobaha la dajnaayo qoxootiga Soomaalida ee dalkooda ka maqnaa muddo 23-sanno.

Waxay sheegtay oo kale in qof kasta uu doonayo in uu ku soo laabto dalkiisa oo meel u dhaanta aan lahayn.

Mar la weydiiyay in guddigooda ay wakiil ka yihiin dowladdaha Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga QM ee UNHCR waxay sheegtay in guddigooda uusan arrimahaas la xiriirin ee iyagu ay go’aansadeen siddii ay u soo qiimeyn lahaayeen goobaha la dajinaayo qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Waxay sheegtay Xabiibo in bishan afarteeda ay tageyn Kismaayo isla markaana ay booqdeyn goobo muhiim ah oo magaalada ku yaalla.

Ugu dambeyn waxay sheegtay in ay jiraan wafdi kale oo booqan doona magaalooyinka Muqdisho iyo Doolow halkaasoo la dajin doono qooxotiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Dowladda Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda UNHCR ayaa heshiis ku gaaray siddii dib loogu celin lahaa qoxootiga faraha badan ee Kenya ku nool.

Kenya ayaa martigalisay nus-malyuun qoxooti ah kuwaasoo ka u badan qoxooti Soomaali ah soo cararay colaadihii ka socday dalkooda 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com