C/Weli oo dagaal ugu hanjabay dadka diidan maamulka saddexda gobol

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa daboolka ka qaaday in ay la dagaallami doonaan cid kasta oo ka soo horjeesta maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed dowladda ay aqoonsatay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maamulkaas uu ku yimid qaab sharci ah oo dowladda ay aqoonsan tahay isagoona intaas ku daray in wax lix gobal la dhaho aaney jirin maadama seddax gobal ay horrey u dhisnaayeen.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay guddi u saartay dhammeestirka maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed kaasoo ay ku mideesan yihiin dadka deggan gobaladaas ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu ka hadlay arrimaha bada Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta oo dooneysa in lagala hadlo xadeynta badda Soomaaliya.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu xaqiijiyay in warqad lagu caddeenaayo dhirirka bada Soomaaliya ay ugudbiyeen QM, wuxuuna warqadaas ku tilmaamay mid sharci ah oo dowladdiisa ku saxsaneed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com