Xog: NORWAY oo dalaal ka ah shirqool ay KENYA ku xadeyso badda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Diplumaasi ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Heshiisyada socda ee lagu iibsanaayo Badda Somalia ay daadihineyso Dowlada Norway.

Diplumaasiga ayaa sheegay in Taariikhdu marka ay aheyd Jun 27, 2013 uu magaalada Muqdisho soo gaaren Wafdi uu Hoggaaminaayay Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ee Norway Mr. Heikki Holmes kaasi oo dar dar galinaayay in heshiis Dowlada Kenya lagala gaaro Badda Somalia.

Mr. Heikki Holmes oo xiligaasi qaabilay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo W/arimaha dibada oo ay xiligaasi aheyd Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam oo hada kamid ah Golaha shacabka, Wasiirka Maaliyadda iyo Mas’uuliyiin kale oo iyagu Mr. Heikki Holmes u sheegay inay suuragal tahay in Badda ay DFS kala gor-gortanto Dowlada Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ee Norway Mr. Heikki Holmes, ayaa waxa uu Jun 27, 2013 Xassan Sheekh iyo xulafadiisa usoo bandhigay dukumiintiyo ku saleysnaa Arrimaha Badda oo ay halkaasi ku kala saxiixdeen Fowzia Yusuf Haaji Adam iyo Heikki Holmes, iyadoona uu goob jog ka ahaa Xassan.

Diplumaasiga aan xogta ka helnay, ayaa Tilmaamay in xiligaasi ay Dowlada Xassan soo bilowday Heshiisyada Dowlada Kenya lagala galaayay Arrimaha badda, waxa uuna intaa kusii daray in DFS ay ka faa’iideysaneysay Heshiisyadii horay uu u fuliyay C/raxmaan C/shakuur oo iminka ka tirsan la Taliyayaasha Xassan Sheekh.

Diplumaasiga waxa uu intaa ku sii daray in Dowlada Norwy ay wado qorsho inta aysan dhicin Dowlada Xassan looga faa’iideysanaayo kala iibsashada qabyada ah ee Badda Somalia, waxaana iminka arrintaasi dhameystiraayo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS oo u duulay Dalka Norwy.

‘’Dowlada Norwy ayaa dalaal ka ah Heshiiska Somalia iyo Kenya, waxaana howsha hada wado Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ee Norway Mr. Heikki Holmes iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xassan Sheekh howsha hoos ayuu ka wadaa yuusan maskaxdiisa nagu shubin’’ ayuu yiri Diplumaasigaasi oo xalad amni daro awgeed uga gaabsaday magaciisa.

Isaga oo intaa hadalkiisa kasii amba qaadayo ayaa waxa uu yir ‘’Xassan Sheekh inta uusan dhicin ayuu rabaa inuu soo afjaro heshiiska, wan la socnaa waxa uu kaashanayaa C/raxmaan C/shakuur oo xiligaani uu ka dhigtay la taliye dhanka Arrimaha Badda maadama uu isaga ka dambeeyay Arrinta badda’’ ayuu yiri Diplumaasiga.

Dhanka kale, waxaa hada Dalka Norway socdaal shaqo ku jooga Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo iyagu Norway kala hadlaayo Arrimaha Badda maadama ay dalaal ka tahay Heshiisyada u socdo Kenya iyo Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com