Muqdisho: Dagaal ka dhex qarxay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan degmadaas iyo kuwa ka tirsan nabad sugida.

Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka oo socday muddo, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Iska hor imaadka ayaa salka ku haya dhismo la isku heesto oo ka socda degmada Kaxda.

Daryanka rasaasta ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaxda oo ku aadan iska hor imaadka ka dhacay degmadooda.

Isku socodka dadka iyo gaadid ayaa muddo hakad uu ku yimid balse markii dambe xaaladda ayaa caaddi ku soo ku noqotay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com