Qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka aan ka heleyno Degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Qarax xoogan halkaasi lagula eegtay Ciidamo ka tirsanaa Minishiibiyada Degmadaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa miino lagu weeraray Ciidamada Minishiibiyada oo halkaasi ku sugnaa, waxa uuna Qaraxa ka dhacay Afka hore ee Saldhiga Degmada Kaaraan.

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid aad u weyn, balse uusan geysan geeri markii laga reebo dhaawac soo gaaray Laba ruux oo shacab ahaa.

Saraakiisha Ciidamada Degmada ayaa sheegay in Qaraxa uusan geysan Khasaaro, islamarkaana uu jawigu yahay mid degan

Dhanka kale, Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux dhalinyaro ahaa oo qaraxa kadib goobta ka cararay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com