Habargidir & Biyomaal oo is-horfadhiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Wax-gaadka ee Beelaha Habargidir & Biimaal, ayaa waxay wada hadalo kaga soconayaan Magaalada Muqdisho, si loo soo afjaro xiisada ka dhaxeyso, ee ka aloosan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wada hadaladaan, ayaa waxaa lagu doonayaa in si dhow leeskugu soo dhoweeyo labadaasi beelood, loogana gudbo dagaalada soo noq noqday, ee ku dhex maraaya qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Habargidi, ayaa sheegaaya inay ku talla jiraan, sidii loo soo afjari lahaa xiisada ka jirta Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Hadda waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo wada hadalo u dhaxeeya Beelaha Habargidir iyo Biimaal, waxaana jacelnahay in wada hadaladaan ay guuleystaan.” ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif Rooble.

“Dhowr goor waxaa la qabtay kulamo kala duwan, laakiin maysan guuleysan, hadase waxay rajadu tahay in guul laga gaaro kulamada socdo.” ayuu yiri Oday Dhaqameedka.

Wuxuu kaloo yiri “Wada hadalada way sii socdaan doonaan, waxaana la rabaa in lagu soo afjaro colaada ku soo laa-laabatay Gobolka Shabeellaha Hoose.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in gacan laga geysto dadaalada lagu wado in leeskugu soo dhoweeyo labada beelood ee isku haaya qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan ku baaqeynaa dhammaan wax-garadka Somaliyeed in laga qaybqaato xal ka gaarida dhiilada colaadeed ee ka jirta Gobolka Shabeellaha Hoose.” ayuu sii raaciyay ayuu yiri isagoo ka soo muuqdo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Isha: Dhacdo.com