Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in Sharmaarke uu kulan albaabada u xiran yahay la qaatay Odayaal kasoo jeeda Beesha Majeerteen oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in kulankaasi uu ahaa mid wakhti qaatay islamarkaana looga hadlaayay diidmada ay Puntland ka muujineyso aqbalida 4.5.
Sharmaarke ayaa Odayaasha ku cadaadiyay inay gaaran magaalada Garoowe oo ay C/wali Gaas kala hadlaan qaboojinta xaalada iyo in laga dhaadhiciyo in qaadashada nidaamka 4.5 kaliya ay kasoo horjeedo Puntland, taasina ay Dowladu ku abuureyso dareen gaar ah.
Sharmaarke waxa uu sidoo kale, Odayaasha oo badi deegaan ku ah magaalada Muqdisho balse miisaan ku leh Beesha usoo bandhigay in kulamo ay isku arkaan Salaadiinta Beesha islamarkaana laga wada shaqeeyo sida DFS looga dulqaadi lahaa culeyska taagan.
Sharmaarke waxa uu kulanka ku ballanqaaday in Xukuumadu ay bixineyso dhaqaalaha ku bixi doona Safarka Odayaasha iyo mudada ay ku sugan yihiin magaalada Garoowe.
Sharmaarke waxa uu tilmaamay in Dowladu ay juhdi ku bixisay qancinta Puntland, balse ay garwaaqsan yihiin inuusan muuqan dowrka Odayaasha.
Odayaasha qaar ayaa lasoo warinayaa inay ka biyo diiden in maamulka ay kala hadlaan arrimaha hadda taagan, waxa ayna cudurdaar ka dhigteen in dhowr jeer oo sii horeysay uu Madaxweynaha Puntland ka diiday talooyin dhowr ah oo ay usoo jeediyeen.
Odayaasha oo tirro ahaan dhamaa ilaa Todobo, ayaa waxaa qorshaha Ra’isul wasaare Cumar diiday Afar Oday oo la sheegay inay taageersan yihiin go’aanka C/wali Gaas qaataybalse Dowlada u muujinaaya dhex dhexaadnimo.
Qorshaha Sharmaarke uu ka lahaa kulankaasi ayaa isku bedelay mid fashilmay, waxa uuna iminka dadaal ugu jiraa sida uu kusoo buuxin lahaa tirada ka dhiman kuwa qaatay taladiisa.
Docda kale, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa dadaal lixaad leh ku bixinaaya sida Madaxweyne Xassan uu uga gudbi lahaa caqabadaha kasoo foodsaareysa dhanka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

