Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeedisay hadal u muuqday iney taageersan go’aanka madaxweyne Gaas uu ka qaatay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho kusoo idlaaday.
Xildhibaan Fowsiyo, waxay sheegtay in nidaamka 4.5 uu yahay midka caalamka ka reebay Soomaaliya sida ay hadalka u dhigtay waxayna sheegtay iney taageersan tahay in dalka uu galo nidaam axzaabeed.
Fowsiyo Yuusuf, ayaa tilmaamtay in baarlamaanka Soomaaliya ay hadda kaga mid tahay hab qabaa’ileed ayna jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo aan kamid aheyn baarlamaanka, kuwaasi oo weydiiyay marar badan iney Soomaali yihiin iyo inkale, siday sheegtay.
“Iminka ka soo qaad waxaan Baarlamaanka ku joognaa 4.5, lagu qeybiyay qabiil oo dib u dhac ahayd, haddana qabaa’illo dhan oo laga tagay ayaa jira oo cabanaya oo leh miyaanan Somali ahayn maxaa nalooga tagay, Axsaabtu waxaas oo dhan wey ka duwan yihiin.” Ayeey tiri Xildhibaan Fowsiya.
Dhibaatada kale ee ay ku sheegtay nidaamka 4.5 ayay ku tusaaleysay in baarlamaanka caalamka aysan ku imaan qaab qabiil balse ay kusoo galaan baarlamaanka hab deegaan ama hab xisbiyeed.
Ugu dambeyn waxay sheegtay in axzaab siyaasadeed oo dalka ka hirgasha iney keeneyso xasilooni siyaasadeed, maadaama sida ay sheegtay qabiil aan xal lagu gaari kareyn
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

