R/W C/WELI oo ku wajahan KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wefdi ka socdo Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho, iyadoo ay siyaabooyin kala duwan ay isku arkayn Madaxda Dowladda Somaliya.

Socdaalka uu Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed uu ku tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu sheegay mid leeskugu soo dhaweynaayo Dowladda Federalka ee Somaliya iyo Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Korneyl C/naasir Seeraar Maax, Afhayeenka Maamulka Jubba oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu Sabtida manata ah taggi doono Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka, ayaa Warbaahinta u sheegay in Magaalada Kismaayo ay ka soconeyso qaban qaabo loogu diyaar garoobaayo, sidii Magaalada Kismaayo si heer sare ah loogu soo dhawayn lahaa wefdiga Wasiirka 1-aad ee Xukuumada.

Korneyl Seeraar wuxuu sheegay in kulanka ay la qaadanayaan wefdiga Dr. C/weli Sheekh Axmed uu noqon doono mid is cafin ah, leeskuna soo dhaweynaayo Madaxda Dowladda iyo Maamulka Jubba.

Socdaalka uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa noqonaaya noociisii ugu horeeyay, tan iyo markii loo dhaariyay in uu yahay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com