Xildhibaano ka qeyliyey R/W Cabdiweli

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Afaraale ayaa ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed in uu jabiyay sharciga dalka isagoona si iskiis u magacaabay maamul gobaleedyo aan sharci ahayn.

Wuxuu ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha in uu ka taallaabay qoddobo badan oo ku yaalla dastuurka KMG ah ee dalka isla markaana uu soo saaro digreeto jeebkiisa ah, isagoona ka digay haddii uu sii wado in ay tallaabo ka qaadi doonaan sidda uu hadakka u dhigay.

“Haddii digreeto wax lagu maamulaayo Maxamed Siyaad Barre ayaa dalkan xoog ku sii heesan lahaa, waxaasna ma sii shaqeenayaan” ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha uu jebiyay qoddobada 48-aad, 49-aad ee dastuurka dalka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in ra’iisal wasaaraha uu rabo in dalka uu galiyo maxmiyad ama gumeysi sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu jeebkiisa ka magacaabay maamulka koonfur galbeed kaasoo uu doonayo in uu aaqirka ka noqdo madaxweyne.

Waxaa soo badanaya dhaliilaya loo jeedinaayo dowladda gaar ahaan ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan dhismaha maamulka seddax gobal eee koofur galbeed oo hadda muran badan dhaliyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com