Biyo Maal & Habar-Gidir oo heshiiyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa shirk u yeeshay odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana ay ka hadleen siddii loo afjari lahaa dagaallada soo noqnoqday ee ka dhacay gobalkaas.

Waxay soo jeediyeen in dagaallada si degdeg ah loo joojiyo kuwaasoo khasaaro dhimmasho iyo dhaawac geestay, waxaa kaloo dagaalka u dhexeeya maleeshiyaadka ka soo kala jeeda beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir.

Nabdoon Cismaan Sheikh Xuseen oo ka mid ah wax garadka ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in loo baahan yahay dagaallada gobalka in la soo gabagabeeyo maadama ay sii kordheen wax yeelada ka dhashay dagaallada.

Wuxuu soo jeediyay in ay isku raaceen odayaasha gobalka in la qaato nabadda lana soo gabagabeeyo dagaalka ka socda gobalka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Cismnaaan Sheikh Soomow oo ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in dagaallada beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal ay door ku lee yihiin dhinacyo kale oo aan u dhalan gobalka.

Wuxuu sheegay in labada dhinac ay isku raaceen siddii loo aqbali lahaa heshiiska isla markaana loo qaadan lahaa nabad iyo xasillooni.

Wuxuu sheegay odayaashooda in ay booqdeen deegannada Janaale, Busleey iyo kuwa kale oo ka mid ahaa goobaha dagaallada ay ka dhaceen, waxaana uu tilmaamay in goobahaas ay ku soo arkeen dhibaatooyin xooggan oo ka dhashay dagaallada ka dhacay.

Waxaa soo badanaya dedaalada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaallada ku soo lab-laabtay gobalka Shabeellaha Hoose kuwaasoo khasaaro xooggan oo naf iyo maalba geestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com