General Galaal: Federaal xal uma ahan Somalia ee ha la qaato nidaamkaan…

Guriceel (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya ayaa ka hadlay xalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in la qaato nidaamka dowadda dhexe isla markaana la joojiyo qorshaha fedaraalka oo uu yiri waa fitno.

Gen Galaal ayaa tilmaamay in Soomaalida aaney xal u ahayn nidaamka fedaraalka isagoona sababta ku sheegay dadka Soomaalida in ay yihiin dad leh hal dhaqan, diin iyo isir.

Wuxuu ku baaqay in la qaato nidaamka dhexe kaddibna la sameeyo ismaamul gobaleed ka kooban 7-waaxyood kuwaasoo hoostaga dowladda dhexe.

Wuxuu tilmaamay haddii aan la qaadan tallada uu soo jeediyay in dalka ay ka dilaaci doonaan dhowr iyo qabiil oo mid kastana uu sheeganaayo dowlad.

Galaal oo ah khabiir dhinaca ciidamada ayaa soo jeediyay in la qaato hadal ay horrey u soo jeedisay ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ee Afrika, taasoo Soomaalida ka codsatay in ay qaataan labo arrin mid kood, waa in dadka Soomaalida ay qaataan nidaam wadajir ah oo dalka uu ku hormaraayo isla markaana caalamka uu diyaar la yahay inuu taageero ama in ay ukala jajabaan qaab qabaa’il sidaasna dhexdooda ay isku cunaan.

Wuxuu sheegay in uu ku tallin lahaa in la qaato qeybta koowaad taasna ay Soomaaliya horrumar ay ku gaari karto.

Wuxuu tusaale u soo qaatay waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Canada, Malaysia iyo Isku taga imaaraadka carabta kuwaasoo ku faa’iday nidaamka fedaraalka balse waxaa jirra ayuu yirri waddamo ay ka mid yihiin Midowgii Soofiyeed iyo Yugoslavia ay ku fashilmeen nidaamkaas iyo kuwa kale oo la dalaa dhacaya oo ay ka mid tahay Nigeria.

Ugu dambeyn Jeneraal Galaal ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay qaataan tallaada uu soo jeediyay haddii la rabo in dalka uu ka gudbo dhibka uu ku soo jiray 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Guriceel

Caasimada@live.com