24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

R/W Kheyre oo hal arrin ku eedeeyay dowladii hore ee Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa eedeyn dusha uga tuuray dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh.

Kheyre waxa uu sheegay in dowladii hore aysan isku taxluujin in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada adduunka u doodo, waxa uuna hoosta ka xariiqay in dowlada Ethiopia aan horay lagala hadal arrimaha maxaabiista Soomaalida.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu cadeeyay in arrin nasiib darro ah ay tahay in laga jiifto u doodida Soomaalida ku jira Xabsiyada adduunka, waxa uuna Su’aal ka keenay cida ay dowladi mas’uul ka tahay haddii aan loo danqaneynin Umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu Kheyre tilmaamay in dowladii ka horeysay tan iminka jirto ay xooga saari jirtay dhaqaalaha dibadda, hase ahaatee aanu jirin cid mas’uuliyad iska saartay u doodida kumanaanka maxbuus ee ku xiran Xabsiyada adduunka.

Waxa uu carab dhabay in Xukuumadiisu ay dadaal dheer ku bixin doonto sida lagu soo deyn lahaa dhammaan Maxaabiista Soomaalida ee ku jirta Xabsiyada adduunka.

Geesta kale, Kheyre ayaa ballanqaaday in deysmada Maxaabiista ku xirneyd Ethiopia ay ku xigi doonto deysmada Maxaabiis kale oo ku jirta Xabsiyo kale.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News