Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dalka Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay nin qorsheynaayay inuu dilo Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron.
Saraakiisha Booliska Farance ayaa sheegay in ruuxaasi gacanta lagu dhigay xili uu u diyaar garoobay fulinta dilka.
Ruuxaani qorshaha dilka damacsanaa ayaa lagu qabtay Koonfur Bari Magaalada Paris ee dalkaasi Faransiiska, waxa uuna ruuxaasi qiray inuu iibsan doono qoriga uu ku khaarijin lahaa Madaxweynaha.
Ruuxaani qorsheynaayay dilka Madaxweynaha ayaa xariga ka hor bartiisa Facebook kusoo daabacay qoraal gaaban oo uu ku xaqiijinaayay inuu iibsanaayo qori AK47 si uu ugu khaarijiyo Madaxweynaha.
Sargaal u hadlay Madaxtooyada dalka Faransiiska ayaa sheegay in ninkan uu qorsheynaayay in uu dilo Madaxweynaha maalinta xuska Champs-Élysées ee ka dhacaya Paris 14-ka July.
Saraakiisha amaanka ayaa iminka baaritaano ku haya ruuxa fulin lahaa dilka Madaxweynaha Faransiiska, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo Maxkamada.
Dhowrkii maalin ee ugu danbeeyay Kooxo falaago ah ayaa Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron usoo gudbinaayay qoraalo hanjabaado ah.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

