Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilowday diiwaan galinta dhalinyarada lagu tababari doono Saldhiga Militeri ee dhawaan ay dowlada Turkiga ka furtay Muqdisho.
Diiwaan galinta ciidamada ayaa iminka si toosa uga socta Xarun ay ciidamada Mariiniska Somalia ku leeyihiin Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamar-jabjab.
Dhalinyarada la Askareynayo ayaa la sheegay in lagu xulanayo Aqoontooda, iyadoo lagu kala sareysiin doono shahaadooyinkooda, sida aan kasoo xiganay Saraakiisha gacanta ku heysa howsha diiwaan galinta.
Ciidamadani cusub ayaa lagu tababari doonaa Saldhiga uu dhawaan Turkiga ka furtay duleedka Muqdisho, gaar ahaan eeryada Jazeera.
Diiwaan galinta oo hadda socta ayaa ku eg 8 Bishani, iyadoo wixii intaa ka harsan si rasmi ah loo furi doono tababarka oo la sheegay inuu qaadan doono dhowr bil.
Dhinaca kale, ciidamadaasi ayaa tababarka kadib lagu wareejin doonaa amniga Xarumaha dowlada, waxaana cadad ahaan la xaqiijiyay inay gaari doonaan ilaa 300.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

