Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada Boqortooyada Sacuudi Carabiya Adel al-Jubeir iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kullan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Kulankaan oo saxaafadda dibad ka joog ka aheyd ayaa socday mudo saacad ku dhow, waxaana laga wada hadlay xiriirka labada dal, iyo xiisada khilaafka Carbeed ee Sacuudiga hoggaaminaayo, kaasoo Soomaaliya ay isu muujisay inay beri ka tahay.
Warar hoose ayaa sheegaya in Adel al-Jubeir uu kusoo qaaday RW Xasan Cali Kheyre wax ka badalka siyaasadda Somalia ka istaagtay go’aanka dhex dhexaadnimada, iyadoo uu wasiirka arrimaha dibada mar kale ku celiyay balan qaadyo malaayiin dollar ah, Somaliana looga baahan inay caddeyso sida ay u taageersan tahay xulufada Sacuudiga.
Kulaankaan oo warbaahinta dowladda ka hadlin iyo ra’iisul wasaarahaba ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in Xasan Cali Kheyre uusan kala tashan madaxweyne Farmaajo.
Kheyre ayaa siyaasad ahaan aaminsan in Soomaaliya ay raacdo xulafada Sacuudiga, halka madaxweynaha uu ku adkeysanayo inay dhex dhexaad ka noqdaan.
Kulanka ayaa waxaa suurta-gal ah inuu xiisad ka dhex kiciyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, waxaana soo abaabulay dowladda Ethiopia.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]



