Kheyre oo ku wajahan New York iyo wafdi hordhac ah oo gaaray Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xafiiska Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay ka baqooleen Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.

Wafdiga ayaa u baxay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, kuwaa oo hordhac u ah wafdi magaalada Muqdisho uu ka hogaamin doono Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu gaaro New York si uu uga qeyb galo shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.

Wafdiga hordhaca ah ee uu Hogaaminaayo Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta shirar gooni gooni ah la qaadan doona mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo Shirkaan ka qeyb galaya.

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar oo shirka ka hadlaayay ayaa yiri ”waxaan hordhac u ahay Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay”

Waxa uu Wasiirka intaa raaciyay ”Shirka madaxda Caalamka ayaa sannadkiiba mar ay isugu yimaadan madaxda caalamka, shirka Qarammada Midoobay waxaa wafdiga u wehliya shirar doceedyo aan la yeelaneyno madaxda wufuudda dowladaha shirka ka soo qeyb gelaya qaarkood, Madax Mareykan ah, ururro caalami ah iyo xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka”

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa khudbad ka jeedin doona shirka taa oo lagu jaangooy doono arrimaha ku xeeran Somalia.

Dhinaca kale, shirkan ayaa la hadal hayaa in faa’iidooyin badan ay u leedahay Somalia oo iminka kasoo kabaneysa burburka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com