Sawirro: Axmed Madoobe oo booqday halka ay Kenya ka dhiseyso darbiga

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka kala tirsan labada Gole ee maamulkiisa ayaa booqday Xuduudka Somalia iyo Kenya ee kala qaybiya Magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Hogaamiyaha ayaa indha indheeyay xuduudka waxa uuna arrimo ku aadan xaalada amni ka wareystay dad xoolo dhaqato ku nool xadka.

Axmed Madoobe oo uu wehliye Wasiirka amniga maamulkiisa ayaa sidoo kale booqday halka ay Dowlada Kenya ka dhisayso darbiga mudooyinkii lasoo dhaafay uu muranku ka taagnaa.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in halka laga dhisaayo darbida uu yahay halkii saxda aheyd isla markaana aanu jirin wax sikasho ah oo ay sameysay dowlada Kenya.