Saadaasha wanaagsan ee HORUMARKA siyaasadda arrimaha dibada Somalia

Kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka oo 27-Okt-2018 ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uu kadhigan yahay tallaabo fiican oo ay qaadday siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana suuragal ah in dhaqaaqa siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya  5tii sano ee ugu dambeysay ay sabab u ahaayeen dadaaladii is xigxigay ee ay wasaaradda arrimaha dibaddu kuhirgelisay  xiriirka wax wadaqabsiga iyo kala macaashka kudhisan, kaas oo weji cusub u yeelay muuqaalka diblomaasiyadda ee Soomaaliya.

Sida lagu qoray webka www.oic-oci.org kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamku waxa uu ahaa mid heer wasaaradeed ah oo ay kaqaybgaleen wakiilada 16 dowladood oo xubno ka ah Ururka iskaashiga Islaamka.

Sida lagu sheegay bogga  www.oic-oci.org waxa kulakaas xoogga lagu saaray lafagur kusaabsan habka ugu wanaagsan uguna sahlan ee lagu xoojin karo dhinacyada dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya, xaqiijinta siyaasad deggan, Joogtenya nabadgelyada, horumarka iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kasheegay furitaankii kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC in qabashada iyo taabbagelinta Soomaaliya ee kulankaas ay dalliil cadiyo tusaale u tahay isbeddelka wanaagsan ee sameysay, isaga oo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay si dhab ah uga shaqeyneyso dib u habaynta dhammaan hay’adaha dowladda.

Danjire Hishaam Yuusuf Kaaliyaha guud ee arrimaha bani’aadminiada ee OIC oo ku hadlayey magaca xog-hayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka  Dr Yuusuf Axmed ayaa kasheegay kulanaka kooxda xiriirka Soomaaliya uu tusaale u yahay sida ay OIC uga go’an tahay taageeradadadaalka shacabka Soomalaiyeed iyo xkuumadduba ugu jiraan dhismaha mustaqbal wanaagsan oo uu yeesha dalka Soomaaliya.

Guusha siyaasadeed ee Soomaaliya ka macaashtay kulanka kooxda xiriirka  Soomaaliya ee OIC ayaa ah in gunnaanadkii kulanka uu ka soo baxay warmurtiyeed ugu yeeray dowladaha xubaha ka ah OIC in ay ka taageeraan jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya dhinacyada kaladuwan ee horumarka.

Soomaaliya waxa ay xubin firfircoon ka ahayd asaaskii ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana Kudhowdaan 50 sano akhor sanadkii 1969-kii  lagu qabtay magaalada Muqdisho kulankii OIC, taas oo kadhignayd in Soomaaliya ka ciyaareysay dunida Muslimka kaalin weyn oo siyaasi ah, sidaas oo kalana waxa qayb muhiim ah ka ahayd ururkii midnimada Afrika oo maanta ah midowga Afrika.

2016, waxa agaalada Muqdisho kadhacay kulamo is xigxigay oo heer qaaradeed iyo heer goboleed ah kuwaas oo uu qayb ka ahaa kulamada midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com