Shaqaale ka tirsan BF oo loo jeediyay hanjabaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in hanjabaado  kala duwan ay la kulmaan shaqaalaha BFS xiliyada lagu guda jiro mooshinada ka dhanka ah Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah BFS ayaa mar uu ka hadlaayay kulankii shalay ka dhacay xarunta sheegay inuu soo jeedinayo in dib u habeen lagu sameeyo qodobada qaar.

Xildhibaan Daahir waxa uu sheegay in qodobada qaar ay caqabad ku yihiin shaqaalaha Golaha waxa uuna tilmaamay in Guddoonka ay cadaadis iyo hanjabaado kula kacaan shaqaalaha xarunta xiliyada laga soo gudbiyo Mooshinka.

Jeesow waxa uu dalbaday in isbedel lagu sameeyo qodobo ka mid ah Xeer hoosaadka oo ay ka mid yihiin in mas’uulka Mooshin laga keenaa uusan fariisan karin Xafiiska wixii shaqa ahna uu sii wadayo mas’uulka kale ee ku xiga.

“Mooshinka laga keeno Guddoonka waxa ay caqabad ku tahay shaqaalaha mas’uul waliba markii laga keeno Mooshinka waxa uu awaamiir adag duldhiga shaqaalaha xarunta”

“Shaqaalaha waxa ay ku qasbanaanayan inay qaatan amarka oo ay xariiqaan wixii loo yeeriyo iyaga oo ka cabsanaaya in la eryo, marka uu arrin sidaa yahay waxaan qabaa in mas’uulkii laga keena Mooshin uusan u shaqo tagi Karin golaha si aan loo cadaadin shaqaalaha howsha noo haya”

Dhinaca kale, Xildhibaan Jeesoow ayaa shaaciyay in shaqaale badan la handaday intii lagu guda jiray Mooshino badan oo laga keenay Gudoonka Golaha Shacabka taas oo sabab u noqotay in kuwa badan oo Shaqaalahaas ka mid ah dalka ay iskaga tageen, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com