Aqalka Cad oo ka fekeraya TALLAABO boqortooyada SACUUDIGA ka dhan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Trump ayaa darsaya tirro ficilo ah (Different options) oo ay kaga jawaabi lahaayen falkii ay dowlada Sacuudiga ku dileen Jamaal Khashoggi.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa hadalkaasi sheegtay mar wax laga weydiiyay qorshayaasha maamulka uu kaga fal celinaayo dilka Saxafiga Sacuudiyanka ah.

Sarah Sanders, waxay sheegtay in la uruuriyay dhammaan xogihii mukhaabaradka isla markaana uu maamulka Mareykanka haatan miisaamayo kala xulashada dhowr ficil.

“Maamulka wuxuu garwaaqsanayaa talaabada aan horay u qaadi doono iyadoo aasaas looga dhigayo warbixintii madaxweyne Trump loo soo gudbiyay asbuucii hore” ayey tiri Xoghayaha.

Mar wax laga weydiiyay inay agaasimaha Sirdoonka Mareykanka ay dhageysatay codadka Saraakiisha Turkiga sheegen ayey ka gaabsatay inay xaqiijiso ama beyniso nooca Sirdoonka ee loo gudbiyay Gina Haspel.

Haddal kasoo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in go’aan qaadashadaasi ay ka danbeysay kadib markii agaasimaha mukhaabaraadka Mareykanka Gina Haspel ay dhawaan Madaxweyne Trump u gudbisay cadeymaha dilka Jamaal.

Haddalka kasoo baxay Aqalka cad laguma faafin talaabooyinka miiska saran iyo heerka uu gaarsiisan yahay fulinta go’aankaas.

Agaasime Gina Haspel, waxa ay dhawaan booqasho gaaban ku tagtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaa oo ay kula kulantay Saraakiil dowlada Turkiga u qaabilsan baaritaanka dilka Jamaal oo ay ka heshay muuqaalo iyo codad muujinaaya dilka Jamaal.

Tifaftiraha Telefeshinka CNN ee arrimaha diblumaasiyada caalamiga Nic Robertson ayaa sheegay in Madaxweyne Trump keliya uu soo afjari karo xiisada ismari’waaga ee ka dhalatay dilka Jamaal.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump waxa uu horay u sheegay in dowlada Sacuudiga uusan kusoo rogi Karin cunaqabateyn maadaama hubka ugu badan ay ka iibsadan.

Xigasho: CNN + Anadol