Boqor Salman: Dalal cadow ah ayaa fursad u arka xiisada dilka Jamaal Khashoggi

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis,ayaa sheegay in dhacdada dilka Jamaal Khashoggi uu yahay mid khuseeya wadamada Sacuudiga iyo Turkiga.

Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis, waxa uu tilmaamay inay jiran wadamo dhowra oo ka faa’iideysanaya muranka labada dal, waxa uuna ku baaqay in arrinta Jamaal Khashoggi loo dayo Sacuudiga iyo Turkiga.

Waxa uu sheegay Boqorka mar uu la hadlaayay warbaahinta maxaliga in dowladiisa ay ogoshahay in Turkiga ay ku qanciso xaqiiqda dilka Jamaal Khashoggi, hase yeeshee uu dareemayo inay jiran gacmo kale oo sii xoojinayo xiisada ka dhalatay dilka suxufiga.

“Ma qaadan doono in gacan seddexaad ay soo faragaliso arrinta dilka Jamaal Khashoggi,waxaa howshaasi loo xilsaaray khubaro labada dal ah iyaga ayaana looga danbeyn doona howshaasi”

Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis, waxa uu intaa raaciyay in dowladiisa ay horay u khirtay qaabka dilka, hase yeeshee xiligaani waxa horyaal ay tahay keliya in xal laga gaaro dilka iyo in si wada jira loo soo bandhigo natiijada baaritaanka dilka Jamaal Khashoggi.

Sidoo kale, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wadamada kale ee lugta kula jira arrinta Jamaal ugu baaqay inaysan ka hordhicin baaritaanka socda si looga fogaado khilaaf dhexmara wadamada saaxiibada ah ee Sacuudiga iyo Turkiga.

Haddalkan ayaa muujinaya in dowlada Sacuudiga ay culeys xad dhaafa ka qaaday dilka Jamaal Khashoggi oo iminka laga hadal hayo dunnida oo idil.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com