ETHIOPIA oo qabatay hub qarsoodi ah oo ka yimid…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shil gaari oo ka dhacay Gobolka Amxaarada ee waqooyiga Ethiopia ayaa waxa uu horseeday in ciidanka ay gacanta ku dhigaan Hub farabadan oo sharci darro ah.

Warbaahinta maxaliga Ethiopia ayaa sheegtay in gaari booyadle shidaal waday Hub oo kasoo ambabaxay dalka Sudan kuna soo jeeday waqooyiga Ethiopia uu qalibmay xili uu la dhuumanaayay Hubka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska isgaarsiinta dowlad Goboleedka amxarida ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen 97 qoryaha AK47 iyo 1,291 oo bistoolado ah, kuwaasi oo lagu soo qariyay haanta shidaalka.

Waxaa kaloo lagu sheegay war-saxaafadeedka in Hubkaasi la doonaayay in lagu qalqal galiyo amniga Ethiopia oo iminka aad u wanaagsan.

Tahriibinta Hubka waxay si guud caadi uga tahay Waqooyi galbeed Ethiopia si ay isugu difaacan iyo inay u adeegsadan dagaalada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, tahriibinta hubka Ethiopia waxaa kaloo isticmaala danbiilayaasha si ay ugu geystaan dhac iyo inay u adeegsadan dagaalka looga soo horjeedo dowlada.

Xigasho: Xinhua