DFS oo shaacisay dalal ka codsaday in Hargeysa ay ka furtaan qunsuliyado

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo maanta hortagay xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowladda dalbatay in deeqaha laga joojiyo maamulka Somaliland iyo qodobo kale.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan dalbanin in deeqaha caalamka siiyo Somaliland laga joojiyo, balse ay albaab walba u garaacdo in deeqaha loo kordhiyo.

Waxa uu sheegay in warqadda uu qoray wasiirka qorsheynta Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan si qaldan loo fasiray, oo aysan ahayn mid deeqaha looga jarayo Somaliland, hase yeeshee dowladda federaalka ay u doodo Somaliland.

“Somaliland waxaa ku nool dad Soomaaliyeed, oo naga mudan taageero iyo gacan qabasho, mana cunaqabteyneyno” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somalia.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay jiraan dalal fara-badan oo dowladda federaalka ka soo codsaday inay qunsuliyado ka furtaan Somaliland ayna ka ogolaadeen.

Dalalkaas ayaa waxaa ka mid ah dalka Kenya, sida uu sheegay wasiirka, oo intas ku daray in dal walba oo ka codsada inuu qunsuliyad ka furto Somaliland ay ka aqbalaan, oo aysan wax dhib ah u arag.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.co