4 waxyaabood oo sabab u ah Khilaafka Farmaajo iyo Cabdi Xaashi (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdixaashi Cabdulaahi ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay inuusan la jaanqaadi karin Villa Soomaaliya, waxaana xafiiskiisa kasoo baxay hadalo badan oo toos madaxtooyada ugu wajahan, oo dhaliil u badan.

Madaxtooyada qaladaad hadii ay leedahay wax maanta bilaawday ma’ahan ,Cabdixaashi hadii uu daacad yahay xili hore ayuu wax dhaliili lahaa ama qeylin lahaa.

Cabdixaashi oo bilaawgii hore ahaa siyaasi Farmaajo taageersan ayaa afar arimood lagu qeexay colaadiisa. Dad xogogaal ah ayaa sheegay in labad nin ay mudo sii kala jeedeen ,markii uu Cabdi Xaashi dano badan oo gaar ah ka waayay Farmaajo.

Waxyaabaha khilaafka dhaliyay waxaa ka mida:-

1 – Magacaabista R/W Ku Xigeenka: Gudoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu rajeynayay in laga talo galin doono qofka la siinayo booska Ra’iisul wasaare Kuxigeenka madaana ay reer ahaan isaga is xigaan, laakiin taas ma dhicin.

2 – Gudoomiyaha maxkamada Sare: Sida ay xogtu sheegeyso madaxweyne Farmaajo ayaan gudoomiye Cabdixaashi waxba ka weydiinin xil ka qaadistii gudoomiyihii maxkamada Sare Ibraahim Iidle iyo magacaabistii Baashe. Labada nin waxa ay isku reer yihiin Cabdixaashi.

3 – Golaha wasiirada: Xulista xubnaha wasiirada ee beesha Isaaq ayaan wax talo ah laga siinin Cabdixaashi taas oo caro badan ku abuurtay.

4 – Wiilkiisa: Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa la sheegaya in uu wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Koonshin Cabdixaashi uu la rabay booska agaasime guud, laakiin Farmaajo ayaa la sheegay inuu arrinkaas ka cudur daartay.

Afartaan qodob ayaa sal dhig u ah hadalada xanafta leh ee maalmahan kasoo baxayay gudoomiyaha Aqalka Sare ee sida tooska ah ugu wajahan Farmaajo. Dadka qaar ayaa aaminsan iney wacan tahay in Farmaajo uu qoondo qabiileedka ka talo galiyo Cabdixaashi si colaadiisu u dhamaatay, laakiin hadana taasi waxey ka dhigan tahay in dhaqamadii hore lasii isticmaali doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com