Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo qol kusoo xirtay saddex alifley ah

Dhowaan madaxda maamulad ayaa dhistay xisbi cusub oo siyaasi ah oo la yiraahdo (National Progressive Party) kaas oo ay madaxda maamuladu sheegeen inuu ka shaqeyn doono arrimaha siyaasada loo dhan yahay ee 2020.

Xisbigaan oo banaanka soo dhigay damaca qarsoon ee mdaxda maamulada qaarkood, ayaa dhanka kale waxaa gadaal ka taagan ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake.

Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiwali Gaas iyo ex-ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa laga cabsi qabay iney isku jabaan doorashada Puntland ee 2019, balse Gaas ayaa Cumar ku qanciyay inuu dhisaayo xisbi siyaasi ah oo ay xubno ka yihiin madaxda maamul goboleedyada kadibna uu isagu xisbigaas hogaamiyo kana taasulo doorashada Puntland ee 2019.

Sida ay xubno xogogaal ah xaqiijiyeen ,Cumar Cabdirashiid ayaa aqbalay qorshaha Gaas isagoo kalsooni badan ku qaba inuu Gaas ka cilmi iyo curin badan yahay madaxda kale ee maamulada. Hada Cumar isma sharaxi doono sida aan xogta ku helnay wuxuuna diyaar u yahay inuu dhiso Cabdiwali Gaas kadibna Cumar la dhiso doorashada Soomaaliya ee 2020.

Heshiiska labada wiil ee Maxamuud Saleebaan ayaa ilaa hada ku socda sidii ay u qorsheeyeen taas oo ka dhigan in xubnaha kale ee Dowlad-goboleedyadu aaney waxba ka aheyn dhismaha xisbiga cusub ee NPP iyo hiigsigiisa mustaqbalka dhow.

Axmed Madoobe waxaa lagu abuuray dagaal caadifi ah (Mareexaan v Ogaadeen), Shariif Xasan waxaa la saaray masuuliyad uusan qaadi karin oo ah gudoomiya GIDG, halka Xaaf ay ku filan tahay in loo difaaco madaxtinimadiisa Gal-Mudug.

Arrimuhu ilaa hada waxaa ay u socdaan sidii uu rabay jilaaga qarsoon ee Filimkaan oo ah Cumar Cabdirashiid, laakiin dadka wax indha indheeya waxa ay aaminsan yihiin in ugu dambeyn la isku soo jeesan doono hadii Gaas looga adkaado doorashada Puntland ee dhici doonta horaanta bisha Janaayo ee 2019.

Waxaa su’aal saaran tahay Axmed Madoobe ,Shariif Xasan iyo Xaaf oo la galiyay dagaal aaney aragti badan ka heysan ,sidoo kalana aaney qiyaasi karin gunaanadkiisa.

W/Q: Mohamed Osman
Falanqeeye Siyaasadeed
Nairobi-Kenya