SAADO CALI WARSAME ma qabiil ayay ka geeriyootay mise Qaran? (FAALLO)

Geerida Marxuumad Saado Cali Warsame ILAAHAY ha u naxariistee waxay aheyd mid naxdin ku ah dhamaan shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, waxay ku soo aaday xilli xasaasi ah oo wadanku ku jiro marxalad cuqdada iyo is-nacaybku uu marayso darajada hurdigga ama jaalaha oo ah darajada labaad ee ka hooseysa tan cas ama gudduudan, waxay dhimashada Saado ku soo aaday xili madaxbanaanidda iyo hanaanka dawladnimo ku jiro mugdi oo aan la aqoon waxa dhici doona 2016-ka marka uu dhamaado waqtiga dawlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku soo aaday xilli khilaafka dhinacyada siyaasadeed ee dalka uu marayo heer aad u sarreeya, xilli dalka ay soo buuxdhaafiyeen ciidamo ajanabi ah oo ujeedooyin kala duwan leh, xilli Baddaha Soomaaliyeed muran iyo qiil-qiil ku jiraan, xilli ugaarsiga cidkasta oo hami dawladeed iyo mid siyaasadeed ku jiraa oo noqday tusbax afka laga furay.

Dilkan iyo kuwii kale ee ugu dambeeyey wuxuu ku soo aadayaa xili propagandadagaal, is-eedeynta nacyabka qabiil salka ku haysa, hadallada cadowtinimo ee qabaa’ilku uu gaaray heer xishoodkii laga tagey, kuwaasi oo intooda badan ka imaanaya qurbo joog la filayey in wixii qibrad ahaa ee ka heleen dalalkii ay u soo hayaameen dib ugu celiya dalkooda balse taasi badalkeedii hadda qayb ka ah damqinta nabarada colaadeed haaraha qabiil ee diiftu weheliso ee dagaaladu badeen shacbiga Soomaaliyeed.

Dilku wuxuu ku soo aadayaa xilli rajada shacabku ka qabtay isu soo dhawaansho, dib u heshiisiin, is-cafis nabad ku wada noolaansho ay hadda gabi dheer ka laadlaado taasi oo ay ugu wacan tahay siyaasiyiinta maanta Soomaalida hogaaminaysa oo ay ku yar tahay karti hogaamineed, tanaasul, wadaninimo, magac iyo sharaf ka tag kuwaasi oo wax isku quurid la’aantooda, xishood la’aantooda iyo shisheeye kalkaalnimadoodu dhalisay dilkan, kuwii ka horeeyey lagana yaabo inay sii dhaliso kuwa kale oo hor leh illeyn cid kasta waxay ka faa’ideysanaysaa fursadahan kor ku xusan oo khayr laawaasha qayb kasta ka kooban fursadooda tahay.

Haddii aan u soo daadago dulucda maqaalka Saado Cali Warsame tan iyo markii uu soo baxay warka naxdinta leh ee geerida Saado Cali waxaa kordhay hadalada nacaybka iyo dano qabiilka huwan ee loo rogay geerida marxuumada, kuwaasi oo badankoodu ku soo biyo shubanaya siyaasadaha is-diidan ee ay horseedka ka yihiin kuwa fashilmay oo doonaya in ay wali shacabka sunta iyo waabayada qabiilka ku habaan 24 sano ka dib.

Dadka fidno hurinta wada ee maanta Saado Cali qabiilka ku saleynaya dilkeeda waxaanay ogeyn in Saado Cali qabiilka lagu riixayo iny u dhalatey maamul dawladeed oo uu hogaaminayo inay 24 sano ka hor iyadoo cidi ku dhiirikarin inay dareenkeeda cabirtay suugaan liddi ku aheyd maamulkii xiligaasi jirey, iyadoo dad badan oo ka soo jeeday beelihii mucaaradka ku ahaa xukuumaddaas waxay xilal ay ku qanacsan yihiin ka hayeen tawradaas halka kuwa kale ay af iyo adin ku difaacayeen.

Dadka maanta Saado Cali qabiilka ku riixay maalinkaasi waxay u arkayeen qof liddi ku ah dannaha beesha, waxay u arkayeen inay qiyaano ku kacday oo ay mucaarad tahay, laakiin fikirkeeda iyo sidii wax ula muuqdeen sax ama qalad ayey soo bandhigtey, dadkii caynkaasi ah ayaa maanta Saado Cali kaaga horreeya oo doonaya in ay ka xigsadaan Soomaali oo dhanna garabka ku riixaan.

Durbaanka qabiil ee la tumayo lama oran karo waa arrin qabiil balse waxay u muuqataa inay ka soo maaxanayso maskax dad dano gaar ah wata oo doonaya in ay ummada cuqdada iyo shiddada ku sii fogeeyya, waxayna salka ku haysaa xifaaltan siyaasadeed oo loogu raad gabanayo magac qabiil waana halka ay Soomaali ka tiri “Reerka meelaan loo hubsan looma haatiyo”.

Saado Cali wadkeedii baa galay, dhiiggeeda ku daatey Muqdisho wuxuu sidii maqaalkii hore aan ku xusay ku yahay dharbaaxo ceebeed dadka sheeganaya Muqdisho kuwaasi oo looga baahan yahay inay laba kala saaraan Muqdisho waa caasimaadii oo waxaan doonaynaa inaan Soomaali hogaamino iyo dilka hal doorka maalin kasta dhiigiisa hadda loo warayo, inkastoo gacmaha wax dilaya meel kasta ka imana karaan.

Ogow Saado markii ay dhimanaysay waxay aheyd xildhibaan Soomaaliyeed oo mataleysay shacabka Soomaaliyeed har iyo habeenna calanka madaxa ku sidatey, haddii ay u dhimatey qodax siyaasadeed, mu’amaard kale  iyo haddii ay u dhimatey maamulka ay ka midka aheyd xubanimadiisa waxaan dood iyo shaki ku jirrin inay aheyd qof Soomaali oo dhan ka geeriyootey, Soomaali oo dhan tabi doonto, Soomaali oo dhan xusuusan doonto oo qalbigooda ka go’i doonin shakhsiyadeedii iyo qaabka foosha xun ee dilkeedu u dhacay.

Siyaasiyiin danahooda guracan eeganaya oo xiiso iyo hillowga u qaba inay shacabka sii kala fogeeyaan ayaa doonaya in ay dilkan u sababeeyaan arrimoqabiil isla markaana awr ku kacsi kaga dhigtaan ficiladooda qabyaaladda ku subkan, halkii ay ummadan colaadda iyo rajo beelka ku sugan ugu gurman laahaayeen aqoontii ay ka dhaxleen canshuurtii wadanka ee ay waxkubarteen.

Baaqyada dhanka qabiilka ku saleysan ee ku aadan in xildhibaanadda iyo dad kale ee xubnaha ka ah dawlada ee gobolada dalka ka yimid ay isaga baxaan Muqdisho waxay qayb ka yihiin dib u damqinta boogta qabyaaladda, waxaase lagu kala aragti duwan yahay arinkaa waayo dooda ay qabaan dadka Muqdisho ku dhaqan waxaa ka mid ah xildhibaan ama wasiir aan gobolkiisa hal askari ka keeni karin sababta ay u joogaan caasimada isla markaana ay u biilannayaan dhaqaalaha dekadda iyo garoonka Muqdisho halka aanay canshuur ka keeni karin deegaanadoodda fikirkan ama doodan oo ku saleysan kala qoqob iyo kala fogeyn umadeed wuxuu la mid yahay fikirka ah “Muqdisho ha ka baxaan dadka gobolada ka soo jeeda”, waana fikrado dhamaantood u hiilinaya danaha cadowga, midnimo la’aanta iyo kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed.

Uggu dambeyntii dadka doonaya inay turub siyaasadeed u adeegsadaan dilkan oo ay danno siyaasadeed uga faa’ideystaan iyo kuwa danaha qabiil u durbaan tumayow ogaada “waa la doogiye yaan la dacaroon”, waxaa kaloo calaamad su’aal adag saaran tahay dawlada Soomaaliya sida ay u wajahdo baaritaanka iyo xaqiijinta in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyey dilkan iyo kuwa la midka ah, iyadoo hay’addaha amaanka looga fadhiyo arinkan haddii kale ay cadeeyaan inaanay awood u laheyn sugida amaanka iyo xaqiijinta dadka dawlada ka tirsan, ileyn waxaynu marqaati ka nahay karti xumida dhanka amaanka ee gaartey in xitaa hal askari aanu la socon xildhibaankan shalay Muqdisho lagu qashay.

Marxuumada ILAAHAY ha u naxariisto, Soomaalina ILAAHAY qalbigooda ha isku soo duwo.

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid