Saalax oo maanta isku maray laba wasaarad iyo hay’ad – Muxuu kusoo arkay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta tegay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, wasaaradda dhalinyarada iyo hay’adda maareynta musiibooyinka (SODMA).

Mudane Saalax ayaa mid mid usoo kormeeray xarumaha, iyadoo intii uu kormeerka ku guda jiray uu si qoto dheer ula socday hawlaha iyo adeegyada ay hay’adahan u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa wuxuu kala hadlay madaxda hay’adaha sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka, hufnaanta maamul, iyo daba-galka qorsheyaasha horumarineed.

Waxa uuna xaqiijiyey in qorshayaasha iyo mashaariicda wasaaradahan iyo SKDMA ay waafaqsan yihiin qorshaha isbeddelka qaran (NTP), si loo gaaro yoolalka waaweyn ee horumarineed ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dadaalka wasaaradahan iyo hay’adda SODMA ay ku bixiyaan adeegyadooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri qoraal uu xafiiska ra’iisul wasaaraha soo saaray.

Sidoo kale wuxuu ku dhiirri-geliyey in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda, si loo hormariyo nolosha bulshada, loona xaqiijiyo in adeegyadu gaaraan dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambayntiina wuxuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka ballan-qaaday in xukuumaddu sii wadi doonto taageerada dhammaan hay’adaha qaranka, iyadoo mudnaanta la siinayo dhammaan qorsheyaasha lagu horumarinayo waxbarashada, dhalinyarada, isboortiga, iyo maaraynta musiibooyinka.