Sababta beesha caalamka ‘uga aamustay’ heshiiska doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa heshiis ka kooban 15 qodob ku gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lasoo dhameeyay khilaafkii labada dhinac u dhaxeeyay ee ku dhex milnaa xaaladda kala guurka waddanka.

Heshiiskaas waxaa wali ka aamusan Beesha Caalamka, mana aysan ka hadlin natiijadii kasoo baxday iyadoo ay taageersaneyd dib u bilaabashada wada-hadalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo madaxweynayaasha shanta maamul goboleed.

Beesha Caalamka wali waxaa la sugayaa iney ka hadasho heshiiska. Sidoo kale kama aysan hadlin magacaabistii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ay u dhiman tahay in xildhibaanada golaha shacabka ay u codeeyaan.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay beesha caalamka wuxuu ku beegnaa bartamaha bishaan, kaas oo ay madaxda Soomaalida ku booriyeen ka qeyb-qaadashada wada-hadallada dhabta ah ee ujeedadiisu tahay in xal ballaaran laga gaaro hanaanka doorasho lagu kalsoonaan karo.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in xubnaha beesha caalamka ay sugayaan sida ay xildhibaanada golaha shacabka ka yeeli doonaan ansixinta heshiiska, kadibna la filayo inay taageeran.

Waxaa sidoo kale jirta in beesha caalamka ay ra’yi ahaan taageersaneyd doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo ay ogeyd inaysan macquul ahayn, sidaas darteedna waxaa suurta-gal ah in xitaa marka ay hadasho ay taageerto heshiiska la gaaray balse aysan toos uga hadal nidaamka doorashada.