Sababta diidan in Al-Shabab laga saaro Jubada Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii magaalada Kismaayo laga qabsadey Al-Shabaab siddeed sano kahor, waxay weli kooxdu gacanta ku heysaa degmooyin badan oo hoos-yimaada gobolka Jubada Hoose iyo guud ahaan gobolka Jubada Dhexe.

Labadii sano ee ugu dambeysay ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa isku horfadhiyay degmadaasi meelo aan kala fogeyn.

Haddaba, maxay yihiin caqabadaha ku hor gudban in gobolkaas lala wareego?

Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi oo ah Sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Jubbaland ayaa VOA-da u sheegay in caqabada u weyn ee ku hor gudban ay tahay mid siyaasadeed iyo kala qeybsanaan gudaha Ciidamada Soomaaliyeed iyo AMISOM.

“Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa cadowga lagu wajahi karaa, waxaan isleeyahay qeybtii AMISOM ayaa marwalba howsha sidii la rabay uga qeyb qaadaneyn, ha noqoto mid siyaasadeed iyo mid gudahooda ahba,” ayuu yiri Xasan Ciraaqi.

“Waxaa u maleynayaa in AMISOM ay ciidamada u raaci laadahay ay tahay inaysan haysan amar guud oo ah in halmar la wada qabto dalka oo dhan.”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in si buuxda loo dhiso ciidamada Soomaaliyeed, ayada oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeynayo, islamarkaana meesha laga saaro kala qeybsanaanta, si ay u fududaato guulo laga gaaro cadowga.

Ugu dambeyntiina waxa uu kula taliyey ciidamada inay daacad ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, una dhintaan, illaa inta dalkeena laga xoreynayo