Sababta keentay in Somaliland ay cadaadis xoogan kala kulanto dhoofka xoolaha

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani Axmed Safiina ayaa ka hadlay cadaadisyada iyo caqabadaha dhoofka xoolaha ka soo wajahday Xukuumada Somaliland.

Xoghaye Axmed Safiina ayaa sheegay inay Somaliland cadaadisyadaasi ugu wacanyihiin inaysan muhiimad gaara siin iibka iyo suuq-geynta xoolaheeda.

Xoghaye Safiina ayaa Xukuumada Muuse Biixi usoo jeediyey inay wasaarada Xanaanada Xoolaha ay ka saarto Xoolo dhoofinta, isla markaana laga dhigo Wasaarad u madax banaan shaqooyinka iibka iyo suuq-geynta xoolaha, loona bixiyo ‘Wasaarada Xoola Dhoofinta’.

Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan:

“24 March ee sanadkan waxa aan ku baaqay in wasaaradda xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga laga saaro xoola dhoofinta oo laga dhigo wasaarad u madax banaan shaqooyinka iibka, suuq gaynta, iyo xoola dhoofinta loona bixiyo WASAARADDA XOOLA DHOOFINTA laakiin dhag jalaq looma siin baahi deedana maanta ladareen, marlabaad ayaan ku baaqayaa, waana kan maqaal kii xoola dhoofinta ee 24/3/2019.

“Mudane Madaxwayne dalkeena sanad kii waxa laga dhoofin jiray ku dhawaad 2,750,000 oo adhi ah + 750,000 oo geel ah + 500,000 oo Lo ah = 4,000,000 oo neef dhamaan tood waa lab oo dhadig ma’aha waana markii ay dakada iyo maxjarada Berbera u furnaayeen xoolo dhoofinta.

Xoolaheenu marakay magaalada berbera soo gaadhaan waxa neefka adiga ah ku baxa 12$, Neefka geela ahna waxa ku baxa 55$, Neefka Lo’da ahna waxa ku baxa 35$, lacag taas oo kukala baxda kharashka xeroolaha berbera, maxjarka, cashuurta dawlada, iyo xamaaliga degakada berbera.

Totalka Adiga = 12×2,750,000=33,000,000$
Totalka Geela = 55 × 750,000=41,250,000$
Totalka Lo’da = 35 × 500,000=17,500,000$

Marka laysu geeyo waa lacag adag oo dhan 91,750,000 Dollar hada waa kharash iyo cashuur berbera oo kaliya, cashuurhii gobalada kale dilaaliintii iyo lacagta iibka neefku way idiin hadhay.

Xaga iibka wakhtiga carafada sicirka neefka Adiga ah wuxuu gaadhaa 80$ geeluna 400$ Lo’duna 350$ iibkaa sicirka xooluhu wuu dhaafaa wuuna ka yaraadaa.

Totalka Adiga= 80×2,750,000=220,000,000$
Totalka Geela = 400× 750,000=300,000,000$
Totalka Lo’da = 350×500,000=175,000,000$
Tootalka iibka = 695,000,000 Dollar.

Tootalka guud = 91,750,000 + 695,000,000 = 786,000,000 Dollar Waa todoba boqol iyo lix iyo sideetan MILYAN oo dollar sxb xoola dhoofinta ciyaar ciyaar iyo meel fudud hamoodin, xoolahaasu waxay kakala yimaadaan 1- %30 gobalada Somaliland 2- %30 Gobalada dhexe ee somalia 3- %40 gobalada Dawlad Deegaanka Somalida.

Mudane Madaxwayne Dawlad kasta oo dunida kamid ah waxa ay gaar u dhoofiso ama dhaqaale xoogan ka soo galo ayay u sameeyaan wasaarad u gaar ah, tusaale ahaan; dawladaha PATROL ka soosaara ee dhoofiya waxa ay gooni u magacaabaan wasaarada PATROL ka iyagoo leh wasaarada macdata.

Dawladii kacaanka ee Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare waxa ay lahaan jirtay wakaalada xoolo dhoofinta oo ka madax banaanayd wasaarada xanaanada xoolaha waxana maareeye ka ahaa Raysal wasaarihii labaad ee dawladii Madaxwayne Xassan sheekh maxamuud waa (Dr.Cabdiwali Sheekh Ahmed) oo wakhtigaa ahaa nin dhalin yaro ah, waliba wakhtigaa xoolo dhoofintu gaarka ahayd xoolaha maanta la dhoofiyo ayaa aad iyo aad ayay uga badan, xoolahaasuna imika waxay ka dhoofaan dakada Jabuuti.

Kadib markaan arkay :- Wakhtigan oo maxjarada xooliha la furay, Xoolaha la dhoofinayaa ay badateen, Loona baahan yahay suuq gaynta xoolaha ee sayladaha dunida, Dakadii barberina ay xidhan tahay, Dayac wayna ka muuqdo maxjarada, arimahaas is huwan aw good ayaa curiyay TALO NO 1:- oo ahayd Aasaasida WASAARADA XOOLA DHOOFINTA.
Iyo kala qaadka wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com