Sababta magacabista uu sameeyey R/W Xamza ay uga duwan tahay kuwii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta sameeyey xilal magacaabistii koowaad ee xafiiskiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee June.

Xamza wuxuu magacaabay illaa iyo 8 qof oo isugu jira maamulayaal iyo la-taliyayaal. Jihooyinka dadka la magacaabay ay ka imaanayaan ama xisaab ahaan ay kasoo jeedaan ayaa xiiso iyo dhug u yeeshay magacaabista uu sameeyey ra’isul wasaaraha.

Dadka la magacaabay ayaa kala ah:

Zubeyr waxaa loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isul wasaaraha, ninkaan wuxuu horey u soo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka ee dowladda federaalka ah.

Nin beesha shanaad kasoo jeeda, muddo aad u dheer ma dhicin in qof beesha shanaad kasoo jeeda loo magacaabo xilka ugu sarreeya xafiiska ra’isul wasaaraha, taas oo Xamza durba siisay sawir fiican.

Qofka labaad ee isna maanta la magacaabay waa suxufiga mudada fog jiray Farxaan Maxamed Jimcaale, kaas oo loo magacaabay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, ahna agaasimaha warfaafinta ee xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo hadda ah Tifaftiraha BBC TV ayaa loo arkaa mid si weyn ugu haboon booska loo magacaabay.

Qofka seddexaad ee uu ra’isul wasaare Xamze magacaabay waa Cali Cabdi Awaare oo reer Puntland ah, kaas oo loo magacaabay la-taliyaha ra’isul wasaaraha ee arrimaha dib u heshiisiinta.

Qofka afaraad waa Haashim Maxamed Cali oo loo magacaabay agaasimaha maaliyadda ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka shanaad ee uu ra’isul wasaare Xamze magacaabay waa Cabdullaahi Shariif oo reer Gedo ah, kaas oo laga dhigay madaxa hab maamuuska ra’isul wasaaraha.

Ninkaan ayaa in muddo ah ka tirsanaa xafiiska ra’isul wasaaraha, xilligii uu Xasan Cali Kheyre talinayey wuxuu ka tirsanaa waaxda hab maamuuska ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka lixaad oo Drs. Hodan Cusmaan oo reer Laascaanood ah, taas oo laga dhigay la-taliyaha ra’isul wasaaraha ee xiriirka caalamiga ah.

Drs. Hodan ayaa horey uga soo shaqeysay nidaamkii madaxweyne Farmaajo, taas oo dhinaca kale Xamza ka dhigeysa in xulashadiisu aysan ku jaan go’neyn inuu diido dadkii la shaqeeyey nidaamkii hore ee Farmaajo.

Qofka todobaad ee uu ra’isulwasaare Xamza magacaabay waa Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi oo xilligii ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre madax ka ahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Axmednuur waxaa loo magacaabay la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda iyo isku duwaha barnaamijyada ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka sideedaad ee la magacaabay waa Kamaal Daahir Guutaale oo horey u soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, hadana kamid ahaa la-taliyaashii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo isna hadda loo magacaabay la-taliyaha arrimaha ammaanka ee ra’isulwasaare Xamza Cabdi Barre.

Sideedaan xubnood ee maanta la magacaabay mid kamid ah ayaa ra’isul wasaaraha la wadaaga xisaabta Afmadow, laakiin xubintaas oo ah Dr. Axmednuur wuxuu horey u soo noqday xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isul wasaaraha iyo madaxa hey’adda NRC ee  heer gobol, taas oo ka dhigan in qibradiisa lagu xushay.

Xubnaha maanta la magacaabay 2 waa reer Puntland, 3 waa reer Jubbaland, 2 waa reer Hirshabelle, midna waa reer Galmudug.

Sida uu ra’isul wasaare Xamza u qaabeeyey magacaabistiisii koowaad waxay muujineysaa dheeli tirnaan, dhaqan siyaasadeed oo la aqbali karo iyo xulasho xirfad ku saleysan.