Daawo: Booliska oo Muqdisho ku soo bandhigay wiil 8 cisho si yaab leh qoys ugu xirnaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay wiil mudo 8 cisho ah u xirnaa qoys u heystay inuu ka xaday Maacuun ay sheegeen inay ku iibinayeen suuqa Bakaaraha, waxaana ka soo baxay amarro adag oo ka dhashay arrintaan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraaíd qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska wiilkaan maalmaha badan u xirnaa qoys wax ku sheeganayey, isagoo shaaciyey in wax uu cuno loo diiday mudadii uu silsilada ugu xirnaa qoyskaas.

“Waxaa la yaab ah in Hooyo iyo Aabe Soomaaliyeed ay isku raacaan inay guriga ku xirtaan muwaadin Soomaaliyeed ee hadana loo diido in la siiyo biyo iyo cuno toona, iyadoo lagu eedeynayo wax aan xaqiiqo loo heyn oo aan la baarin, qabow iyo roob ayaa kula da’ay halkii lagu xiray,” ayuu yiri Afhayeenku.

Sida uu cadeeyey afhayeenku wiilkaan ayaan la geyn wax saldhig boolis ah 8-dii beri ee reerkaan uu u xirnaa, ugu dambeyntiina booliska oo ka war helay ayaa ka sii daayey maanta, iyadoo saldhigga Howlwadaag lagu xiray qoyskii gurigooda ku xirtay wiilkaas.

“Markii boolisku uu ka war helay dhacdadaan tallaabo ayaan ka qaadnay qoyskii waxaan ku soo xirnay saldhigga, waxaan leenahay bulshada way dhici kartaa in qof wax inka xado ama inka dhaco, laakiin waxaa tallaabo qaadi kara oo wax xiri kara booliska, saldhigii oo kuu muuqda qof lug kama xira kartid, waana dembi adag, qoyskaana maxkamad ayey ku muteysteen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka booliska oo shirkaan jaraa’id ku qabtay degmada Howlwadaag ayaa sheegay in falkaan uu qoyskaas ku muteystay maxkamad, isla markaana ay hor geyn doonaan, si uu cadaalad u helo wiilkaan ay iska xirteen iyagoo xatooyo ku eedeynaya.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/GRE4vktN1qM?t=1