Safarka Xasan ee Ankara iyo qorshaha xakameynta Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbedelkii ka dhacay Soomaaliya 15-kii, May ee sanadkan waxa uu soo jiitay indhaha dalal badan oo ku hardamayay in ay gacan saar dhow la yeeshaan dowladda dhexe. Waddamada uu loolanka adag u dhexeeyo waxaa kamid ah xulufada  ay hor-kacayaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Dowladda Qatar. A rrintaan ayaa u baahan in Soomaaliya ay ku wajahdo siyaasad dibadeed oo xasilan.

Nidaamkii uu hoggaaminayay madaxweynahii xilka ka degay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu u janjeeray dhanka Qatar, iyada oo ay taasi keentay in uu xumaado xiriirkii Imaaraadka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, halka hoos u dhacay wada shaqeyntii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeysay Masar iyo Sacuudiga.

Soomaaliya oo joqoraafi ahaan ku taalla goob istiraatiiji ah, mid walba oo ka tirsan waddamadaan waxay u leedahay muhiimad gaar ah, haddiise dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh aysan la imaan qorshe siyaasadeed oo arrimaha dibadda ah, waxaa suuragal ah in laba culeys oo xooggan uu dalku wajaho, kuwaas oo kala ah, mid amni iyo mid dhaqaale­.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ol-olahiisii doorashada ku galay hal ku dhigga “Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah” ayaa waxaa uu safarkiisii ugu horreeyay uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, waxa uuna dhowr maalmin uu halkaasi joogay la isla gartay in la iska kaashado waxyaabo badan, dadka qaar ayaa u fasiraya in Soomaaliya isbedelka ka dhacay uu soo dhoweyn doono Imaaraadka, taas bedelkeedana uu meesha ka saari doono xiriirkii soke ee Qatar.

Inkasta uu madaxwene Xasan Sheekh uu safar kale maanta ugu ambabaxay dalka Turkiga waxay falanqeeyeyaasha siyaasaddu qabaan in ajendeyaal aan la shaacin doonin uu hor dhigi doono Xukuumadda Ankara, kuwaas oo ay kamid yihiin sidii Xiriirka Muqdisho iyo Dooxa uu u noqon lahaa mid wanaagsan, Dowladda Turkigana ay u noqon laheyd mid dowrkaasi ka shaqeysa.

Walaaca ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya qabto ayaa ah, in dowladda Qatar ay xiriir dhow la yeelato dhinacyada ka aragtida sida Ururada Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya dalka iyo in Qatar ay maal-geliso mucaarad siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Turkiga oo hadda Soomaaliya ku leh saldhig militari oo lagu tababaro ciidamadda dowladda Soomaaliya waxa uu si dhow xiriir ula leeyahay Qatar, waxaana suura-gal in qorshaha Soomaaliya ay aqbasho Xukuumadda Ankara, balse waxaan la ogeyn sida Qatar ay uga jawaabi doonto dalabka ceynkaan ah iyo in uu jiri karo sharuudi ka imaan kara.

Inkasta oo diblumaasiyadda aysan suura-gal aheyn in la isku sameeyo faragelin, haddana dal bur-bur kasoo baxaya sida Soomaaliya waxaa dhib weyn ku noqon kara in uu la kulmi khilaafaad diblumaasiyadeed oo dhabar jab ku noqon kara dib u kabashadiisa.

Sida Ilo-wareedka qaar ay sheegayaan, haddii qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh uu guuleysto waxaa dowladda Soomaaliya ka yaraan doona culeys siyaasadeed uu horay dalka u wajahayay xilligii madaxweyne Farmaajo uu talada joogay. Mar kale, haddii arrinta Carabta xal loo helo, waxaa mar kale dowladda Xasan Sheekh horyaalla in ay xal diblumaasiyadeed u raadiso arrinta Kenya iyo Xiriirka hoos u dhacay ee Jabuuti iyo Soomaaliya.