Sacuudi Carabiya oo weli diidan inay aqbasho safiirkii uu magacaabay Farmaajo

Riyad (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudi Carbaiya ayaan weli wax jawaab ah kasoo bixin safiir ay xukuumadda Federaalka u magacowda dalkaas muddo ku dhaw lix bilood ka hor.

Warbaahinta gudaha oo xiganeysa mid ka mid ah dadka u dhaw xukuumadda ayaa shaacisay in Sacuudi Carbiya ay qaaday tallaabo diidmo ah, inkastoo aysan jawaab usoo dirin, haddana aamusnaantooda waxey si diblomaasiyan ah u dhigantaa sida la fahamsan yahay diidmo.

Saraakiil kala duwan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in Sacuudiga ay si cad u diideen safiirka la magacaabay maadaama aysan jawaab kusoo bixin muddo 90 maalmood gudahood ah, oo ah waqtiga ugu badnaan la sugo in laga falceliyo digreetooyinka nucaan ah.

Xiriirka u dhaxeeya labada dowladood ayaa la dareemayaa inuu hoos u dhacay tan iyo markii uu dilaacay khilaafkii u dhaxeeyay wadamada Khaliijka Carabta, waxaana la fahamsan yahay in Sacuudiga uusan ku qancin sida ay Somaliya ugu dhawdahay dowladda Qatar oo ay xiriirka u jareen isaga iyo isbaheygisiiga.

Cabdiakiin Xasan Ashkir ayaa digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay inuu yahay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, balse digreetadu ma noqon mid la aqbalo iyadoo dhawr jeer ay safaro halkaas ku aadeen saraakiil sar sare oo dowladda ka tirsan si ay arinta u xaliyaan basle lagu guuldareystay.

Soomaaliya waxey qiratay iney mowqifka khilaafka Khaliijka Carabta dhex-dhexaad ka tahay, hadana waxey dadka siyaasadda falanqeeya fahamsan yahiin iney dhanka Qatar u jilicsan tahay.