Nabadoono Boosaaso loogu xiray hadal ay jeediyeen oo Puntland ay dhibsatay

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari, oo shalay ka soo muuqday  warbaahinta, iyagoo dhaliilaya xukuumadda Puntland.

Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta.

Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan Heshiiska DP world iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhigeen.

Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Waxgaradka gobolka magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Nabaddoonada la qabtay midkood ay xalay gurigiisa ugu dhaceen askar ka tirsan laamaha Amniga Puntland, halka kan kalena saaka laga qabtay suuqa magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xarigga labadaasi nabaddoon aan sifo sharciya loo soo marin, isagoo cambaareeyay sida uu sheegay in loola dhaqmay markii la xirayey.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga gobolka Bari, oo diiday in la xigto magacyadooda, ayaa sheegay in labada nabaddoon ay hadda ku jiraan xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.