Sacuudi Carabiya oo xirtay wiilka boqor CABDALLAH, Amiir Faysal Bin Cabdallah

Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xiray Amiir Faysal oo uu dhalay Boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah Bin Cabdulcaziz Ala Sacuud, waxaana lagu hayaa meel aan loo ogoneyn in uu cidna xiriir la sameeyo, sida ay sheegtay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW).

HRW oo soo xiganeysa ilo-wareed ku dhow qosyka boqortooyadda ayaa sheegtay in ciidanka amaanku ay Amiir Faysal Bin Cabdullah kasoo xireen dhisme uu qoyskiisu ka deganyahay woqooyi-bari magaaladda Riyadh, 27-kii March, halkaas oo uu isku karaantiilayay sababo la xiriira xanuunka Coronavirus.

Ma jirto wax ay mas’uuliyiintu xarigiisa u sababeeyeen.

Qofka ay xiganeyso HRW ayaa sheegay in xubnaha qoyska Amiir Fayal aysan ogeyn meesha uu ku xiran yahay iyo maqaamkeeda ilaa iyo hadda.

Amiir Faysal ayaa kol hore lala xiray tobanaan ruux oo ay ku jiraan xubno qoyska boqortooyadda ka tirsan. Xilligaas waxa ay ahayd 2017-kii oo uu socday raaf ka dhan ah waxa lagu sheegay musuq-maasuqa.

Sida ilo wareedku sheegay, Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in Amiir Faysal la sii daayay December 2017-kii kadib markii ay kula heshiisay in uu u gacan geliyo hanti uu lahaa, waxaana lagu soo rogay xanibaad dhanka safarka ah.

“ka sokow mowjado cambaareyn ah, dhaqanka sharci daradda ah ee masuuliyiinta Sucuudiga inta uu talinayo Maxamed bin Salmaan waa mid aan habooneyn,” ayuu yiri, Michael Page oo ah ku xigeenka agaasimaha Bariga Dhexe ee HRW.

“Hadda waxaan Amiir Faysal ku dareynaa boqolaalka qof ee sharci-daradda loogu xiray Sucuudiga,” ayu yiri Page.

“Xariga Amiir Faysal waxaa mar kale muujinayaa sida ay mas’uuliyiinta Sucuudigu u xushmad darreynayaan sharciga iyo baahida loo qabo in cadaaladdu shaqayso.”

HRW waxay sheegtay in Dowladda Sucuudigu ay xirtay sedax amiir bishii March ee sanadkaan, kuwaas oo ay ku jiraan Axmed bin Cabdulcasiis, Maxamed bin Nayef iyo wasiirkii arrimaha Dibadda ee la eryay bishii June 2017, kadib muddo dheer oo uu xabsi guri ku jiray.