‘Waa arrin xun inuu Farmaajo yiraahdo waxaan goosanaa gobolka beesheydu degto’

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘Fartaag’ oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho xilli shalay laga reebay diyaarad u socotay magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Madaxweyne Farmaajo.

“Sida ay wax ku wadaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliska Nabad sugidda, wax aan awel indhaha ka qarsanay oo hadda aanaa ka aamusi karinbaa jira, waxa Jubbaland ka socda, oo si gaar gobolka Gedo uga socda, wax laga aamusi karo maaha” ayuu yiri Sanetor Fartaag.

Waxa uu sheegay in gobolka Gedo uu qabyaaladeeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu maanta gooni uga goostay gobollada maamulka Jubbaland oo uu ka tirsanaa, isaga oo leh ‘reerkeyga ayaa dega’ sida uu hadalka u dhigay Senator Fartaag.

“Gobolka dhan ee Gedo oo lawada ogyahay shaqadii uu kasoo qabtay maamulka Jubbaland, in la qabyaaladeeyo oo Madaxweynihii dhamaa yiraahdo inta qabiilkeygu degan yahay ayaan gooni u goosanayaa waa arin aad u fool-xun, umadda Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in Gedo ay ka tirsan yahay Jubbaland dastuuri ahaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senator Cabdullaahi Fartaag.

Sidoo kale Senatorka ayaa sheegay in kol hore seddax xildhibaan oo u socday gobolka Gedo laga hor istaagay inay ka duulaan garoonka Muqdisho, sida isaga ku dhacdayba, taas oo uu ku macneeyay in Madaxweynuhu uu kala jeedo “Qabiilka aan ka dhashay, yeysan dhaqdhaqaaq ka sameyn halkaas” sida uu hadalka u dhigay.

Xayiraadii looga reebay diraayaddii meydka wasiirkii Jubbaland u siday Kismaayo Senator Fartaag waxaa ku wehliyey, Senator Iftiin Xasan Baasto, iyo Axmed Carab oo ah afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland, waxuuna si toos ah ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliska Nabad sugidda Soomaaliya, isaga oo ka beri-yeelay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Senator Fartaag oo wareysi siinayey Idaacadda Kulmiye waxa uu sheegay in diyaaradda laga reebay uu kireeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre, balse amarka looga reebay uu lahaa taliska sare ee NISA, sida ay ku war geliyeen xubnihii loo soo diray inay diyaaradda ka reebaan oo sida uu sheegay ka tirsanaa Nabad sugidda Soomaaliya.

Intaas kadib waxa uu sheegay in agaasime ka socday xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda uu toos ula xariiray Ra’iisul Wasaare Kheyre, isla markaana uu ku wargeliyey in senatorada loo diiday inay raacaan diyaaradda, balse Kheyre ayaa amray in la fasaxo oo aan mas’uuliyiintaas laga reebin diyaaradda.

Amarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu sheegay inay ka dhega adeygeen xubnahaas ka tirsanaa NISA, isla markaana ay ku adkeysteen in laga reebo diyaaradda, waxuuna si weyn uga mahad celiyey Ra’iisul wasaare Kheyre dadaalkii uu ku bixiyey inay Jubaland gaaraan, balse suurta geli waayey.