Sacuudi oo go’aan rasmi ah kasoo saartay Xajka sanadkan

Makkah (Caasimadda Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadashay xajka sanadkaan iyo qaabka uu noqon doono, iyadoo soo rogtay amaro hor leh oo ku saabsan xajka sanadkaan 2021.

Dowladda Sacuudiga ayaa ugu horeyn sheegtay in sanadkaan xajka loo ogolaan doono illaa 60,000 oo qof oo 10 kun oo kamid ah ay ka xajin doonaan gudaha Sacuudiga, halka 50-ka kun ee kale ay ka imaan doonaan wadamada Adduunka.

Dowladda Sacuudiga weli ma aysan caddeyn sida dowladaha Caalamka loogu qeybinayo tirada 50-ka kun ee la ogolaaday inay banaanka kasoo xajiyaan, balse waxay dowladda Sacuudiga sheegtay in arrintan ay wada-hadal ka yeelanayaan Wasaaradaha Xajka iyo Caafimaadka ee Sacuudiga iyo wadamada loo ogolaan doono in laga soo xajiyo.

Dadka doonaya inay xajiyaan sanadkaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo si gaar ah loo ansixiyey illaa 4 nooc oo talaalka COVID19 ah oo ay aqoonsan tahay Sacuudiga iyo Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Qofka doonayo inuu sanadkaan soo guto waajibaadka xajka ayaa sidoo kala waxaa laga rabaa inuu qaato labada qeybood ee talaalka, sidoo kalana uu la yimaado baaritaan muujinayo inuusan qabin cudurkaan, mana la aqbali doono haddii uu baaritaankiisa kasoo wareego wax ka badan 70 saac ka hor inta uusan sacuudiga Imaan, waxaana xusid mudan in karantiil 3 maalin ah la gelin doono marka uu qofka yimaado Sacuudiga.

Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dadka loo ogol yahay xajka sanadkaan ay da’dooda u dhaxeyn doonto 15-60 sano jir, waxaana taas sabab looga dhigay in dadka ka weyn 60 jir ay u nugul yihiin qaadista iyo halista cudurka Corona Virus.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay inay diyaarisay qaabab loo xajinayo si looga fogaado halista cudurka Covid19, waxaana dadka la dajin doonaa Hoteelo si gaar ah looga diyaariyey iyo gawaari gaar ah oo u daabuli doono Carafo, Musdalifa iyo Mina.

Sanadkii 2020, boqortooyada ayaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada xujaajta loo oggol yahay inay xajka tagaan, waxaana sanadkii hore la ogolaaday illaa 1,000 muwaaddin oo Sacuudi ah iyo dadka deggan boqortooyada.