Sacuudiga oo ka laabtay inuu dilo Murtaja Qureyris

Wiil yar oo Sacuudiyaan ah oo la filayay in dowladdu ay dil ku fuliso ayaa la sheegay in aan la toogan doonin. Wiilkan ayaa loo heystay eed ah in uu ka qeyb-qaatay dibad-baxyo ay Shiicadu hormuud ka ahayd oo dalkaasi ka dhacay.

Murtaja Qureyris oo markii la qabanayay sanadkii 2014-kii ahaa 13 jir ayaa sanado kale xabsiga kusii jiri doona.

Maxkamad Sacuudi ah ayaa Qureyris Axaddii shalay ku xukuntay 12 sano oo xarig ah oo ay ku jirto muddadii 4-ta sano aheyd ee uu xukun la’aanta sii xirnaa, taasi oo micneheedi yahay in lasii deyn doono marka la gaaro sanadka 2022 isaga oo 25 jir ah.

Sarkaal Sacuudi ah ayaa sheegay in Qureyris uu far-sameeyay walxaha qarxa ee Molov-ka loo yaqaano isaga oo bileyska iyo goob Farmashiye ahna ku weerayay. Waxa uu masuulku intaa ku daray, in wiilkan yari uu sidoo kale hub kale adeegsaday, kadib markii uu ku biiray koox argagixiso ah.

Sacuudiga ayaa cambaareyn xooggan kala kulmayay kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, wixii ka dambeeyay dilkii Weriye Jamaal Khaashuqji bishii October ee sanadkii tagay loogu geystay Magalaada Istanbul, sidoo kale ururrada xuquuqda aadanaha ayaa Riyaad ku cambaareeyay qab-qabashada dadka xuquuqda haweenka u dhaqdhaqaaqa kuwaas oo ilaa hadda la maxkamadeynayo.

Bishii April ee sanadkan dowladda Sacuudigu waxa ay dil ku fulisay 37 ruux oo Shiico u badan. Sida Hey’adda Amnesty International ay sheegtay waxaa dadkaasi la toogtay kamid ahaa wiil yar oo ay da’diisu 16 sano aheyd.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

VOA