Saddex askari oo toogasho lagu fuliyay kadib markii…

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu toogtay saddex askari oo ka kala tiirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaas oo horay dilal uga gaystay gudaha magaaladaasi.

Saddexda askari ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Xuseen Cali Macallin limaan (Gurey) oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsanaa militariga  Soomaaliya iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna kamid ahaa booliiska maamul goboleedka Koonfur Galbeed Sommaaliya.

Dhammaan saddexda askari ayaa saaka la geeyay tiirka, ayada oo duleedka Baydhaba looga oofiyay dambiyadii dilalka ahaa ee ay horay u gaysteen.

Askartan laba kamid ah ayaa horay beerta Qurun Jiis ku dhex Dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan, dilkaas oo bishii June ee sanadkii 2018-kii.

Sidoo kale askariga saddexaad oo ah Cabdullaahi Ibraahim ayaa isna horay u dilay Isgoowe Maxamed Aadan, dilkaas oo dhacay bishii  June eee sanadkan 2023-ka.

Marxuumka  ayaa ahaa farmashiiste sidoo kalena isku diyaarinayay aqal gal cusu laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.

Goobta lagu toogtay askartan waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwa ka socday maxkamadda ciidamada iyo dadweyne kala duwan.

Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu maxkamadeeyay magaalada Baydhaba ee xarunta  Baay.