Safiyo Abuukar Karaani oo caawa Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Maamo Safiyo Abuukar Karaani oo aheyd agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa Maamo Safiyo ku dishay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan banaanka hore ee kaalinta shidaalka ee Haas oo dhowr tallaabo u jirta koontoroolka laga ilaaliyo Villa Somalia ee u dhow taalada Sayidka.

Geerida Maamo Safiyo Karaani ayaa caawa aad looga dareemay baraha bulshada oo tacsideedu ay is qabsatay, waxaana xusid mudan in dhowr sano ka hor sidaan oo kale Muqdisho loogu dilay Seygeedii Muxudiin Maxamed oo mar soo noqday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa goobta ka baxsatay dableydii dishay Maamo Safiyo Karaani, waxay dad badan walaac ka muujiyeen inta ay ciidanka ilaalada Madaxtooyada u jiraan goobta uu dilkaasi ka dhacay.

Allaha u Naxariistee Safiya Karaani waxaa lix sano ka hor la dilay seygeeda Muxiyaddiin Maxamed oo soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumadda Nuur Cadde, caawana iyada ayaa gacan ka gardaran ku baxday.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aad u sii xumaaday, waxaana dadka la soo deristay cabsi xoog leh, sidoo kale waxaa xusid mudan in suuqa ugu weyn caasimadda ee Bakaaro uu maanta xirmay, kadib markii ay canshuur badan ku soo rogtay Kooxda Daacish.