Sagaal QOF oo ku dhintay degmada Baardheere kadib markii ay ku dhaceen…

Baardheere (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay roobab daadad watay oo xalay ka da’ay degmada Baardheere, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhowaad 10 qof oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Baardheere Buulle Ibraahim Xuseen oo u warramay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in dhibaato xoogan ay ka dhalatay daadad ku dhuftay demadaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Buulle ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadan ay ku dhinteen illaa 9 qof, wuxuuna tilmaamay inay ku dhaceen tog kala qaybiya degmada, xilli ay ka tallaabayeen halkaasi.

“Walaalow meeshaan Baardheere dhibaataa ka dhacday nimcadii ilaahey ee xalay dhaceysay iyo roobabkii ayaa dad ay ku naf waayeen illaa 9 qof. Dadkaas oo ka tallaabayay tog kala qaybiya magaalada” ayuu yiri xoghaye Buulle Ibraahim Xuseen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka dhintay ay isku jireen dhalinyaro, carruur iyo dad waa weyn oo uu kamid yahay Macallin Dugsi Qur’aan oo caan ka ahaa Baardheere.

“Waxay isugu jireen dhalinyaro Sports ah, Macallin Dugsi Qur’aan waa uun bulshada qaybaheeda kalal duwan dadka meesha ku geeriyooday,” ayuu sii raaciyay..

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulka Baardheere iyo shacabka degmada ay haatan wadaan gurmad iyo sidii loo aasi lahaa dadkaasi.

“Xaafadaha waa la’isku soo baxay gurmad ayaa la sameynayaa dhammaan reer Baardheere sidii dadkaas loo aasi lahaa ayaan hadda taladeeda ku jirnaa,” ayuu markale yiri Buulle.

Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ay wajaheysay xaalado adag oo isbiirsaday, sida arrimo bani’aadanimo iyo kuwa amni darro intaba.