Daawo: Muxuu yahay shirka wada-tashiga qaran ee maanta ka furmay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Qaran ee Hindise-sharciyeedka Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Tirakoobka dhacdooyinka muhiimka ah.

Shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Aidarus M Hassan iyo mas’uuliyiin kale ee kascotay heerarka kala duwan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu horreyn khudbad kooban ka jeediyay kulankaan, wuxuuna sheegay in hindise-sharciyeedkan uu nidaaminayo mid kamid ah adeegyadda asaasiga ah ee ay dowladdu bixiso ee dad-dhigista sida; dhalashada, guurka, furriinka, caruur korsashada, dhimashada, diiwaan-gelinta qoyska, degenaashaha iyo arrimo kale.

“Hindise sharciyeedkan oo diyaarintiisu ay wasaaradda arrimaha gudaha wadday muddo dheer, waxaa uu ka mid yahay dadaalo badan oo wasaaraddu galisay sidii dalka uu uga hanaqaadi lahaa nidaam diiwaan-gelin madaniya oo casri ah,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa kamid ahaa dadaaladaasi sida daraasado nidaamyada diiwaan-gelinta madanigaa, diyaarintii siyaasadda qaran ee diiwaan-gelinta madaniga ah iyo istaatistikada dhacdooyinka muhiimka ah oo golaha wasiiradu ansixiyeen bishii Agoosto 2019, dhismihiisa iyo howl-gelinta guddiga hagidda diiwaan-gelinta madanigaa oo ka kooban dhammaan madaxda hey’adaha kala duwan ee heerarka dowladda.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hindise-sharciyeedkan uu hagayo siyaasadda Qaran ee diiwaan-gelinta madaniga ah, kuwaas oo dowladaha hoose ay gundhig u yihiin bixinta adeegan, halka kaalinta dowladda federaalkuna uu u qeexan yahay si waafaqsan heshiiskii awood qeybsiga ee golaha wadatashiga Qaran.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka qeyb-galayaasha kulankan wadatashiga ah kula dardaarmay in inta uu shirka socdo ay wax ku daraan, saxaanna si wadatashigan oo kama dambeys ah kadib loogu gudbiyo baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo