Salaad Cali Jeelle oo shaaca ka qaaday qorshe ku hoos duugan shirkii Nairobi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Lataliyha Madaxweynaha Soomaaliya ee  dhanka siyaasada Salaad Cali Jeele oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii Shalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Xubnaha mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Nairobi uu ahaa mid lagu duminayo dowladda  Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka la tusayay in soomaaliya ay dib u laabatay oo aan wax  ka jirin sida ay wax u sheegeen.

Sidoo kale Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu mucaaradka ku eedeeyay in ay fowdo ku wadaan dowladda, islamarkaana waxaa uu shacabka  ugu baaqay  in ay ka shaqeeyaan Midnimada soomaliyeed , isgoona ka dalbaday in ay iska ilaaliyeen kooxaha Argagixisada ah waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Salaad Cali Jeele ayaa kusoo aadayo xili Shalay  magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay shir ku yeesheen siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo sheegay in aysan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Siyaasiyiinta oo u badan xildhibaano iyo wasiiro hore aya ka hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, wadahadalada Somaliland, maqaamka Muqdisho, xuquuqda shacabka iyo jahwareer siyaasadeed oo ay shegeen in uu ka taagan yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxayna farta ku fiiqeen baahida loo qabo in dowladda ay wax ka qabato arrimahaas oo dhan.

Inkastoo iska caddahay in marwalba la hela siyaasiyiin aan la dhacsaneyn siyaasadaha dowladda markaa xilka hayso, ayaa waxa horay u dhici jirtay in magaalada Addis Ababa laga taageri jiray siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxda maammul goboleedyada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com