Saldhiggii ugu weynaa ee Daacish oo la qabtay iyo arrinta lama filaanka ah ee dhacday

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ayaa duhurnimadii maanta waxa ay maleeshiyada Daacish kala wareegeen dhawr saldhig, oo uu ku jiro saldhigga weyn ee Sheebaab.

Saldhigan ayaa ku yaalla halka uu ku dhammaado Togga Jeceel, oo ay dagaalladii ugu cuslaa ku dhex-mareen Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Hawl-galkaan kooxda Daacish looga qabsaday saldhigyada cusub ayaa Taliyaha Ciidanka Badda Puntland, General Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in aysan wax dagaal ah kala kulmin muddadii uu hawl-galku socday.

Arrintan ayaa lama filaan noqotay, maadaama la aaminsanaa in kooxdu ay ugu yaraan isku dayi doonto inay difaacato saldhigeedii ugu weynaa ee aagga buuraha Calmiskaad, xilli ay dagaal adag kula jiraan geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Xeeladdan oo khubarada amnigu ku macneeyeen in mararka qaar noqon karto mid dhagareed ayaa waxaa hore u adeegsan jirtay kooxda Al-Shabaab, xilligii dagaalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qaaday 2022-2023.

Istaraatiijiyaddan ayaa ah in aan dagaal toos ah la’la gelin ciidanka dowladda, si khasaaraha loo yareeyo, oo looga baxo hadba goob, taas beddelkeeda in ciidanka miino dhulka loo geliyo, la marin habaabiyo, kolba doc iyo dib loo weeraro iyo iska daba wareeg.

Inkasta oo dagaalka Daacish laga gaaray horumar wanaagsan, haddana waxay khubarada amnigu ku talinayaan in aad loo feejignaado oo lagu dagmin xeeladaha cadowga naf la caariga ah.