Saldhigyadii Al-Shabaab ee Bu’aale oo la duqeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaasi diyaarado dagaal duqeymo culus ka geysteen.

Bu’aale oo ah saldhiga ugu weyn Soomaaliya ee kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegaya in xalay saqdii dhexe la duqeeyay saddex saldhig oo kooxdu ku lahaayeen halkaasi.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saddex goob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1-Dhismaha xarunta degmada

2- Xero tababar oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bu’aale – aagga masjidka Dabaqa.

3-Dhismo ku yaallo buundada Bu’aale oo xubnaha Khawaarijta ee Al-Shabaab ku shirayeen.

Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn xadiga khasaaraha ka dhashay duqeyntan ayaa haddana waxay wararka tibaaxayaan in Shabaabkii ku sugnaa halkaas qaarna lagu dilay, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Xubnaha lagu dilay duqeyntan iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegaya in ay ku jiraan horjoogayaal. Goobaha sida gaarka ah loogu beegsaday weerarkan dhinaca cirka ah ayaa kamid aheyd dhismihii xarunta degmadaasi.

Duqeymaha dhanka cirka oo inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda.