Samafalihii AFRIKA ee ay sababtiisa kusoo muslimeen 11 milyan, Soomaaliyana ka dhisay 12 iskuul iyo jaamacad

Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Al-Sumayd wuxuu ku dhashay dalka Kuweyt sanadkii 1947dii. Carruurnimadiisii wuxuu jeclaa akhriska iyo samafalka.

Sida lagu xusay maqaal uu daabacay Al-Jazeera TV, isaga oo iskuul dhiganaya ayuu ardayda ka aruuriyay lacag ay ku iibiyeen gaari ay subixii goobaha shaqada ku geyn jireen shaqaalaha danyarta ah, galabkiina waxay ku celin jireen guryahooda.

Markii uu Dugsiga Sare uga baxay dalka Kuweyt ayuu jaamacad u aaday dalka Ciraaq. Shahaadada koobaad wuxuu ka qaatay Jaamacadda Baqdaad oo uu ka bartay Cilmiga Caafimaadka iyo Qalliinka Guud. Kaddibna wuxuu Jaamacaddda McGill ee dalka Canada uga takhasusay cudurrada uur-ku-jirka iyo dheefshiidka. Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ka soo shaqeeyay isbitaallo ku yaalla Kuweyt, Canada iyo Ingiriiska.

Safarkiisii Malaawi iyo billawgiisii samafalka Afrika

Safar uu 1980kii ku tegay dalka Malaawi oo dhaca koofur-bari qaaradda Afrika ayuu ku soo arkay malaayiin fuqaro ah oo la daalaadhacaya faqri, cudurro iyo jahli. Sababtaas ayayna ugu dhalatay in uu ka fikiro sidii uu dadkaas farqiga iyo jahliga uga badbaadin lahaa.

Sanadkii 1981dii wuxuu Dr. Cabdiraxmaan aasaasay hey’adda Africa Muslims Agency (Lajnatu Muslimii Ifriiqiya) oo waagii dambe magaceeda loo beddelay Direct Aid (Al-Cownul Mubaashir) oo ah Hey’ad samafal ah oo gargaarka, waxbarashada iyo faafinta dacwada ka fuliso 31 dal oo Afrika ah iyo Yaman.

“Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa hoggaamiye aragti-fog oo madaale ah. Wuxuu ahaa qof dhiirran oo hadafka uu rabo in uu ka miradhaliyo uu kala weyn yahay waxa ku dhici kara iyo khataraha ku xeeran.

Dr. Sumeyd wuxuu ahaa nin aan adduunyo baahi badan u qabin oo ay ku weyn tahay in uu dhaxal ka tago. Wuuna ka tegay,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir oo aqoon dheer u leh Dr Al-Sumeyd.

Dhaxalkii uu ka tegay Dr. Al-Sumeyd

Sida lagu xusay maqaal lagu daabacay bogga Jaamacadda SIMAD, 30kii sano ee uu Afrika ka shaqeynayay waxaa sababtiisa ku soo muslimay dad gaaraya 11 milyan. Dr. Al- Sumeyd waxa uu Afrika ka dhisay 5,700 Masjid, wuxuu qoday 9,500 ceel.

Wuxuuna aasaasay 102 xarumood oo lagu barto Diinta Islaamka, 860 iskuul iyo 4 jaamacadood. Wuxuuna waxbarashada ka bixiyay arday ka badan 95,000 oo Afrikaan ah.

“Aniga oo harqaanle ka ah Johannesburg ayaan isbarannay haweeney Hindi ah oo bare jaamacadeed ah. Waxay i waydiisay sababta aan jaamacad u dhigan waayay, waxaana u sheegay in aan duruuf uga haray. Waxay iga ballanqaadday in ay iga bixinayso qarashka jaamcadda. Markii aan dhammaystay semestarkii koobaad ayay haweeneydii dhimatay. Aniga oo ka walwalsan sida aan yeeli doono ayaan magaalada Johannesburg ku dhex arkay derbi uu ku qoran yahay magaca ‘Lajnatu Muslimii Ifriiqiya’, waxaana soo xusuustay in uu magacaan ku qornaan jiray iskuulkii Axmed Gurey ee aan ka soo baxay.

Waan galay, waxaana codsaday in ay i caawiyaan, sidaas ayayna iiga dhiibeen qarashkii jaamacadda. Markii aan qalinjebiyayna shaqo ayaan ka helay.” Sidaas waxaa BBC u sheegay Xasan Cabdullaahi Caalin oo ka shaqeeya xafiiska mashaariicda hey’adda Direct Aid ee South Africa

Xafiiska hey’adda ee Soomaaliya

Heshiis ay galeen Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo hey’adda Direct Aid ayay hay’addu xarun uga furtay Muqdisho 1986dii, balse burburkii dowladda iyo dagaalkii 1991dii dhexmaray Kuweyt iyo Ciraaq ayaa sababay in uu xafiiskaasi xirmo 1991dii. Waxaana dib loo furay Sep 1992dii.

Xildhibaan Faarax Sh. Cabdulqaadir waa Agaasimihii ugu horreeyay ee xafiiskaas burburkii kaddib. Wuxuu yiri “Aniga oo Master Degree ka diyaarinaya jaamacad ku taalla Pakistan ayaan dalka fasax ku imid Jun 1992. Waxaan maray Baydhabo, Beledweyne iyo Muqdisho oo ay ka jirtay abaartii Cagababar. Markii aan laabanayay ayaan Nairobi isku aragnay Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd, waxaana uga warramay xaalidihii aan dalka ku soo arkay. Wuxuu i waydiiyay: maxaa jeclaan laheyd in aan ka qabto? Waxaana u soo jeediyay in uu gargaar u fidiyo dadkaas dhibaateysan. Wuu iga aqbalay, wuxuuna iga codsaday in aan arrintaas kala shaqeeyo.”

Dr. Cabdiraxmaan wuxuu tobaneeye jeer yimid Soomaaliya, wuxuuna gacan weyn ka gaystay gurmadkii abaaraha.

“Jan 1993 aniga iyo Dr. Cabdiraxmaan oo joogno xafiiska hey’adda ee Muqdisho ayuu diktoorku istaagga ka dhacay, miirka ayaana ka tegay. Waxaan geeyay xaruntii ciidanka Kuweyt oo ka mid ahaa hawlgalkii UNITAF. Markii uu soo miirsaday ayaa loo qaaday Sacuudiga. Isbitaal ayuu 4 bil ku jiray, waxaana lagu sameeyay 4 qalliin oo wadnaha ah.

Dhakhaatiirtii waxay kula taliyeen in uusan tegin meel aan laheyn isbitaal lagu daweeyo wadnaha. Isaga oo sidaas ah ayuuna noogu iman jiray Soomaaliya oo aan waxba loogu qaban karin” Faarax Cabdulqaadir

Marka laga tago gurmadkii abaaraha, xafiisku wuxuu xoogga saaray waxbarashada, daryeelka agoonta iyo hirgelinta mashaariic horumarineed. “Jan 1993 ayaan Muqdisho iskuullo ka furnay. Xilligaas oo uu dalku ku jiray xaalad adag waxaa adkeyd in waxbarasho lagu fikiro, taasna waxay keentay in aysan waalidiin badan iskuullada u soo dirsan carruurtooda.

Si aan waalidiinta ugu dhiirrigelinno waxbarashada carruurta ayaan billawnay in aan raashin siinno qoys kasta oo arday keensado.” Xasan Badawi, Guddoomiyaha xafiiska Direct Aid ee Soomaaliya

Dr. Siciid Xuseen Geeddi waa dhakhtar ku takhasusay indhaha oo ka hawlgala Muqdisho, wuxuuna bare ka yahay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Dr. Siciid wuxuu ka mid ahaa dufcadii ugu horreysay ee laga qoray iskuulkii Al-Falaax ee markii dambe loo raray Maxamuud Xarbi. Wuxuu yiri “Maalin aniga oo banooni ku ciyaaraya xaafadda Xararyaalle ayaa waxaa ii timid haweeney aan deris aheyn.

Iskuulka ayay i gaysay, waxayna ku tiri “Wiilkaan ii qora” iyadiina cunto ayaa la siisay. Sidaas ayaan waxbarashada ku soo billaabay.”

Xafiiska wuxuu Muqdisho ka furay iskuullada Tadaamun, Abuu Xaniifa, Maxamud Xarbi iyo Axmed Gurey. Beledweyne wuxuu ka furay iskuullada Sh. Maxamed Macallin iyo Al-Aqsa. Buulamareer wuxuu ka hirgeliyay iskuulka Al-Faaruuq. Kismaayo wuuu ka furay iskuulka Faanoole. Halka Hargeysa uu ka hirgeliyay iskuullada Al-Irshaad.

Magaalada Gabileyna wuxuu ka furay iskuulka Gabiley. Iskuulladaas waxaa ka qalinjebiyay 11,705; waxaana hadda dhigto 15,388 arday. 5 ka mid ah iskuulladaas waxay leeyihiin koleejyo agoonta lagu xannaaneeyo oo ay hadda ku nool yihiin 792 agoon, waxayna hey’addu guryahooda biil ku siisaa 1,113 agoon.

Dr. Cabdifitaax Shariif Maxamed waa dakhtar ka hawlgala isbitaalka Hackensack ee dalka Mareykanka. Wuxuu yiri “Aniga oo 3 sano jir ah ayaa aabbahey dhintay. Kaddibna hooyo ayaa i gaysay xarunta agoonta Salaam ee iskuulka Maxamuud Xarbi. Iskuul, Bachelor ilaa takhasuska waxaa iga bixisay hey’adda Direct Aid. Waana ku mahdinayaa.”

Xafiisku wuxuu deeq waxbarasho oo jaamacaddeed siiyay 440 arday oo Bachelor ah iyo 197 arday Master iyo PhD kala ah.

Sanadkii 1999kii hey’addu waxay Muqdisho ka furtay machadkii SIMAD oo 2011kii Jaamacad laga dhigay. Jaamacadda waxaa ka qalinjebiyay 6,818; waxaana hadda dhigto 3,306 arday. SIMAD waxay 2019kii hirgelisay isbitaalka Dr. Sumait Hospital oo loogu magacdaray Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumeyd.

“Fursad uma helin in aan la kulmo Dr. Al-Sumeyd, waxaanse isku hawlay in aan wax ka barto ninka cajiibka ah ee uu ahaa.” Bill Gates

30 sano oo uu u adeegayay fuqarada Afrika kaddib, wuxuu isag oo 66 jir ah 8 sano ka hor maanta oo kale (Aug 15, 2013) ku geeriyooday dalka Kuweyt. Dr. Al-Sumeyd wuxuu qoray 13 buug, wuxuuna ifka uga tegay 3 gabdhood iyo labo wiil. Dhaxal aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Weligiisna wuxuu ku dhex noolaan doonaa qalbiyada fuqarada Afrika iyo Musliminta Caalamka. Eebbe ha u naxariisto Cabdiraxmaan Al-Sumayd.