Saraakiil ka tirsan Shabaab oo howl-gal lagu laayey

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo qorsheysan si wadajir uga fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga sameeyeen deegaanada Koban, Araare, Lafaha-Ragga iyo Xero–Shiid ,kuwaas oo ka wada tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Buulo-Gaduud Mudane Mahad Mataan Buulle oo u warramay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyey howl-galladaasi iyo ujeedkooda, wuxuuna shaaca ka qaaday in lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Mahad Mataan ayaa sidoo kale xusay in xubnaha lalaayey ay isugu jiraan saraakiil iyo dagaalamayaan ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanada la weeraray.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay howl-galladu sii socon doonaan, islamarkaana ujeedkooda uu yahay, sidii looga hortagi lahaa weerarada ay soo abaabusho Shabaab.

Si kastaba ciidamada huwanta ayaa bilihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.